Shirkii Lagu Ansixinayay Dastuurka Soomaaliya Oo Maalintiisi Labaad Galay

0
495

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Kulanka ansixinta dastuurka Soomaaliya ee maalintii shalay ka furmey caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa galay maalintiisi labaad, waxaana hoolka shirarka ee Iskoolka Booliska maanta fariistey 825 ergey, iyada oo tirada rasmiga ah ay soo dhamaytirantey manta Kuna Suganyihiin Xarunta Iskool Boliciya Ee mAgaalada Muqdisho.

Shirka Ergada KA Qeyb Qaadanyasa  ayaa loo qaybiyey ajandaha shirka waxaana maanta si toos ah loo guda galaya muhimada shirka iyada oo ergey kasta la siinayo nuqul kamid ah dastuurka, sidoo kale waxaa shirku yeelanayaa guddiyo kala hooseeya oo shirka haga Hanaanka Uu Ku Socdo Iyadoona Uu Shirkan socon doona Mudo sagaal maalmood.

Dhanka kale waxaa weli ka taagan magaalada Muqdisho buuq ku saabsan dastuurka iyada oo dadka qaarkiis ku doodayaan in maqaamka Muqdisho lagu xuso dastuurka, taas oo dadka qaarkis ku doodayaan in aan dastuurka lagu darin waxyaabaha caynkaas oo kale ah ayna u taalo Golaha sharci dejinta ee imaan doona.

Waxaa aad loo saadaalinayaa in qaar kamid ah ergooyinku ay carqalad ka keenaan arrimahaas iyo kuwo kale taas oo lug jiidi karta Shirka, inkasta oo cod lagu kala baxayo.

 

Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)