Shirkii Ansixinta Dasuurka Somaliya Oo Saddex Maalin Jirsada

0
444


(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Mar kale Ayaa Waxaa la isugu yimid hoolka shirarka ee Iskoolka Booliska magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya,
Shirkan oo ay soo xaadireen ergada inteeda badan ayaa maanta galey maalintiisi Saddexaad, waxaana ergada loo qaybiyey ilaa 10 kooxood si ay u fududaato in ay ka doodaan dastuurka la doonayo in la ansixiyo kaas oo loo qaybiyey maalintii Arbacada.

Maalintii shalay ayaa shirku u yeerey qaar kamid ah Wasiirada ka soo shaqeeyey dastuurka si ay su’aalo u weydiiyaan. Ergada ayaa samastey xeer hoosaad ay ku maamulaan shirkooda mudada 9 maalmood ah ee uu socdo.

Waxaa warbaahinta Dawladda u sheegtey Raxma Maxamed oo ka tirsan ergooyinka ka qaybgalay shirka Iyadoona Sheegtay  in qaybo badan oo kamid ah dastuurka loo celindoono Baarlamaanka cusub si ay tacdiil ugu sameeyaan ama wax uga beddalaan, taas oo ah tilmaan muujineysa in ergada inteeda badan ay meel marin doonaan dasuurka

Shirka ansixinta Dastuurka ayaa wadada u furaaya in uu dhamaystirmo Road-Mapka kaas oo la doonayo in uu soo afmeermo 20 August.

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)