WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Afhayenka xarakada mujaahidiinta Alshabaab oo la hadlayay warbaahinta ka howlgasha magaalada muqdisho ayaa waxa uu sheegay in dadka iyo diinta islaamka ay ku soo wajahan tahnay Qatar uu sheegay in ay kaga soo foodledahay waxa loogu yeero dastuurka qabya qoralkiisa ay socanayaan
Sheikh cali maxamuud raage ayaa waxa uu sheegay in nasiibdaro ay tahay in dadka soomaaliyeed ay hada la kulmaan waxa uu ugu yeeray bedelad lagu sameeynayo diinta islaamka.
Waxa uu sheegay afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab in qorshaha hada ay wado dowlada soomaaliya uu yahay mid ay ku doonoyso in diimaha kirishtanka in looga faafiyo gudaha dalk soomaaliya islamarkaana shacabka soomaliyeed looga baahan yahay in ay is hortag ku smeeyan isku dayada lagu doonayo in dinta meel looga dhaco oo uu sheegay in shacabka ay ka dhiidhiyaan meel ka dhaca lagu sameeynayo diinta islaamka.
Hase ahate dhawaan ayeey aheyd markii dalalka deeq bixiyayasha caalamka ay ku baaqen in dalka soomaaliya ay muhiim tahay in uu yeesho dastuur u ogalaanaya dadka aaminsan diimaha masixiga in ay dalka qeyb ka yelan karaan kuna cibaadeysan karaan gudaha dalka soomaaaliya.
Ugu danbeyntii afhayeenka xarakada alshabaab ayaa waxa uu ka hadlay howlgaladii ugu danbeyay ee ay ciidamada DKMG soomaaliya ay ka sameynayeen degmooyinka magaalada muqdisho in dadka laga soo qabqabanayay aanay ku jirin dad ka tirsan xarakada alshabaab isla markaana dadka la soo qabqabto ay hada yihiin kuwa la iibiyo oo ay dowlada soomaliya ka iibiso dowladaha ay xulafada yihiin.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.