Sh C/casis Abuu Muscab Oo Ka Hadlay Dagaallo Maanta Ka Dhacay Duleedka Muqdisho Iyo Qaar Ka Tirsan Gobolada Dalka Somalia.

0
484

Wararka Soomaaliya(wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom).

Afhayeenka Dhanka Ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al.shabab Sheekh Cabdul Caziiz Abuu Muscab oo caawa shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in ciidamad Al.shabab ay Ciidamada Shisheye khasaaro Xoogan ku gaarsiiyeen dagaal maanta ka dhacay wadada isku xirta Kulbiyoow iyo Badhaadhe ee Jubbada Hoose.

Sidoo kale Sheekh Abuu Muscab ayaa soo hadal qaaday dagaalkii cuslaay ee maanta Baydhabo ka dhacay kaasi oo ay ciidamada Xarakada mujaahidiinta Al.shabab kuweerareen ciidamada Itoobiya Isagoona Sheegay In Ay Mesha Kaga Dilee Ciidamo Iyo Saraakiil Farabadan.

Sh.Abu Muscab Oo Dhinacyo Farabada Ka Hadlay Ayaa Sidoo Kale Soo Hadal Qaaday Toogasho ay Dagaalyahanada Al.shabab ka geysteen deegaanka Lafoole ayay ku dileen 3 Askari oo katirsan ciidanka Burundi Ee Ku Sugnaa Wada Isku Xerta Muqdisho Iyo Afgooye.

Weeraradaani Isdaba Jooga Ah Oo Ay Xarakada Al.shabaab Ka Geesanayaan Gudaha Magaalada Muqdisho Iyo Qaar Ka Tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya oo Ay Gacanta Ku Hayaan Ciidamada Dowlada TFG.da Iyo Kuwa AMISOM Ayaa Ah Mid Ay Qaraaro Ka Soo Gaarto Dowlada Soomaliya Iyo Kuwa Shisheeye Iyadoona Ay Saraakisha Dowlada TFG.da Waqti Walba Ay Sheegaan In Ay Xarakada Al.shabab Ka Saareen Goobahay Ay Gacanta Ku Hayaaan Balse Hadalkaasi Ayaaa Waxa U Cuntami La’ Shacabka Soomaaliyeed Oo Waqtiwalbo Dushoodi Lagu Dul Dagaalamo.