Seddexda Masuul Sar Sare Ee Dowlada TFG-da Oo Markale Odayaasha Beelaha Soomaalida Kula Kulmay Muqdisho

0
485

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Markale Ayaa Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan ku dhexmaray Odayaasha Beelaha Soomaalida iyo Mas’uuliyiinta sar sare ee Dowlada TFG-da Soomaaliya oo ay horkacayaan Shariif, Gaas iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Laga T alaabsaday Shariif Xassan.
Kulankan ay madaxda Dowlada TFG-da sida wadajirka ah ulla yeesheen odayaasha Beelaha Soomaaliya ee ku shirkan Muqdisho ayaa markale uga codsadeen inay dhameystiraan soo xulida Xubnaha Ansixinta Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub ee Dowlada TFG-da Soomaaliya.

Shirkaani Siyaaadeesan Oo Ay Maalmahaanba Midba Midka Kale kla Gambanyo Inuu GoonuKula Shiro Odayaasha ayaan si qoto dheer looga hadlin khilaafaadkii hore u jiray ee la xariiray dhanka Dastuurka, balse wuxuu ahaa mid ay doonayeen sadexda mas’uul ee ugu sareeya DTFG-da inay ku muujiyaan waji mideysan oo ay ku cadeenayaan sida ay u doonayaan in laga gudbo caqabada soo xulida oo loo gudbo diiwaangelinta xubnaha ay soo xuleen Beelaha iyo shirkii Dastuurka oo dib ugu dhacay 21ka bishan Oo Ahaaa In La Ansixiyo.

Sidoo Kale Waxaa jirta warar sheegaya inuu jiro murran dhanka soo xulida Xildhibaanada ah oo salka ku haya loolan siyaasadeed oo ka dhaxeeya Saxiixayaasha Roadmapka iyo qaar kamid ah musharaxiinta, taasi oo saameyn ku yeelatay qaar kamid ah Odayaasha Beelaha Soomaalida ee looga fadhiyo inay ergada soo xulaan.

Waxaa ayaduna jirta oo marar badan lagu soo celiyey dhaliil ay odayaasha ka qabaan Dastuurka cusub ee Soomaaliya oo ay doonayaan qodobo kamid ah in laga saaro Dastuurka Haatan La Doonayo In Saxiixaan.

Shariif Axmed ayaa asagu horey ugu baaqay Odayaasha inay faraha kala baxaan arrimaha Ansixinta Dastuurka oo ay arrintaasi u daayaan ergada lasoo xuli doono,

Gaas Oo Isna dhamaan beelaha madaxdooda ka codsaday inaysan caqabad ku noqon xiliga kalaguurka hawlihii la qaban lahaa iyo in laga gudbo marxalada Kumeelgaarka ah ee Dowlada Soomaaliya.

Xusul Duubka Iyo Baaqyadan Ka Imaanaya Qeebaha Kala Duwan Ee Siyaasiyiinta Dalka Soomaaliya ayaa muujinaya sida aysan u dhameystirneyn hawshii soo xulida Baarlamaanka cusub, walow ay jiraan beelo badan oo ayagu soo gudbiyey xubnihii ay soo xuleen ee uga qeyb geli lahaa shirka Dastuurka iyo Baarlamaanka cusub Ee Haatanba Ansixinteeda Lagu MAshquulsanyahay.

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warasom)