Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Saado Cali warsame Oo Ah Fanaanad Soomaaliyeed ayaa Shil Gaari ku gashey inta u dhaxeysa Tuulada Kala-bayr iyo Garowe iyadoo ku soo socotey magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Fanaanada oo ay wadeen kolonyo Gaadiid ah oo ka qeyb qaadaneysey soo dhaweynta fanaanada oo isugu jirey wasiiro,xildhibaano ayaa ku weheliyey safarkan ay shilka ku gashey fanaanadu.
Wariye Maxamed Cali Cilmi oo ahaa tafatiraha Taleex.Net Ayaa Shilkani ku geeriyoodey
Isbitaalka magaalada Garowe oo la Geeyay dhaawaca fanaanada ayaa waxey noo xaqiijiyeen in ay gacanta ka jabtey fanaanadu balse xaaladeeda caafimaad ay wanaagsan tahey.
Fanaanada oo siweyn loogu soo dhaweeyey saaka markii ay kasoo degtey garoonka diyaaradaha ee C/laahi yuusuf Axmed ee magaalada Galkacayo,iyadoo dadweynihii soo dhaweeyey ay halkaasi kula hadashey saaka fanaanadu.
Sida ay horseedmedia ku heshey ilo lagu kalsoonyahay oo dhinaca madaxtooyada ah ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta beri ah la qaadi doono fanaanada caanka ee Saado Cali Warsame oo lageyn doono wadanka Jabuuti.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)