Qarax Qasaaro Geestay Oo Xaafada Suuqa Xoolaha Lagula Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Kuwa Dowlada TFG-da Soomaaliya

0
451

Qarax Nooca Miinada Dhulka LAgu Aaso Ayaa Maanta lala eegtay Gaari ay lasocdeen Askar katirsan Ciidanka Dowlada TFG-da ee Soomaaliya .

Qaraxan Oo ka dhacay Xaafada Ceel Turcaaye oo katirsan Deegaanka Suuqa Xoolaha iyadoona lala eegtay Gaari Tikniko ah ay lasocdeen Ciidamo katirsan Dowlada TFG-da ee Soomaaliya sida ay ku warameen Dad goob joogayaal ah..

Qaraxan ayaana lagu waramay in qasaarooyin kala duwan uu kasoo gaaray ciidamadii lala eegtay iyadoona qasaaraha ka dhashay qaraxa Ay Ugu BAdnaayeen Ciidamadii Lala Eegtay dadka oo goobta ka kala cararay owgeeed.

Ciidamada Dowlada ayaana isla goobta lagu qarxiyay ku dilay Wiil dhalinyaro ah kaa ay uga shakiyeen in uu wax ka maleegay Qaraxa ,hasa ahaatee dadka deegaanka ayaa ku waramay in wiilkaasi ahaa Dhalinyarada Xaafada.

Qaraxyada Miino ayaa mudooyinkan noqday kuwa ku yaraaday Magaalada Muqdisho tan iyo markii Al-Shabaab laga saaray Degmooyinka AFgooye ,Balcad iyo Deegaanada u dhaxeeya Muqdisho iyo Degmooyinkaasi.