(Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
War haatan kusoo dhacaya warqabadka Warsom.com ee magaaladda Muqdisho ayaa sheegaya in goordhow uu geeriyooday Wasiirkii hore ee Ganacsiga dowlada Soomaaliya Maxamuud Garweyn.
Marxuumka ayaa ku geeriyooday qarax xoogan oo lagu xiray gaarigiisa degmada Xamarweyne ee gobolka Banaadir.
Wararka waxaa ay sheegayaan in marxuumka gaariga loogu xiray waxyaabaha qarxa halkaasna uu ku dhintay sidoo kalana labo ruux ayaa ku dhaawacantay
Markii hore waxaa loo malaynayay gaariga in uu ahaa mid ismiidaamin ah laakiin dib ayaa laga ogaaday in waxyaabaha qarxa gaariga loogu qariyay marxuumka geriyooday.
qaraxa Halka uu ka dhacay waxaa laga soo sheegayaa in Meydka Wasiirkii hore Ganacsiga iyo Bani’aadanimada Maxamuud Cabdi Garweyne.
Marxuumka oo sidoo kale ahaa Xildhibaan katirsan dowlada Soomaaliya ayaa jirkiisa uu go go’ay iyadoo aan la aqoonsan karin.
Halka qaraxa uu ka dhacay ee dagmada Xamar weyne ayaa waxaa gaaray ciidamo badan oo katirsan dowlada KMG kuwaas oo haatan wada howlgalo xoogan.
Sidoo kale qaraxasi Dadkii ku dhaawacanmeen ayaa iminka la soo sheegayaa in loo qaaday Cisbitaal Si loogu soo dabiib
Ma jirto ilaa iyo hada cid sheegatay qaraxa uu ku geeriyooday wasiirk balse waxaa loo maleynayaa in kooxaha nabadiidka ah ay ka danbeeyaan qaraxaasi.