maxamed cumar xabeeb maxamed dhere ayaa markii ugu horeysay waxa uu ka hadlay qabsashada dhawaan ay ciidanka dowlada KMG soomaliya iyo kuwa AMISOM kula wareegen gacan ku heynta degmada balcad ee gobolka shabellaha dhexe.
maxamed dheere ayaa ugu baaqay ciidamada DKMG soomaaliya in ay sugaan amanka deeganada ay kala wareegen xarakada alshabaab.asigoona ciidanka Dowlada ugu baaqay in ay sii wadaan baacsiga xarakada alshabaab kana saaran dalka soomaaliya.
maxamed dheere ayaa qabsashada degmada balcad waxa uu ka hadlay todabaadyo ka dib markii ay gacan ku heunta degmada ay la wareegen ciidamada isbiirsanaya ee dowlada soomaaliya iyo ciidanka nabad ilaalinta midowga afrika ee AMISOM.
maxamed dhere ayaa hore xil uga soo qabtay gobolka shabellaha dhexe kaasi oo ahaa gudoomiyahii gobolka shabellaha dhexe mudo aad ufara badan marna soo noqday gudoomiyahii gobolka banaadir ahaana duqii magaalada muqdisho dowladii KMG soomaaliya ee tan hada jirta ka horeysay.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.