Wararka Soomaaliya Wakaalada wararka Soomaliyeed Ee Warsom)
Maxamed Xassan Xaad oo sheegta in uu yahay guddoomiyaha dhaqanka beelaha Hawiye isla markaana loogu yeero derajada Nabadoon ayaa maalintii shalay shir jaraa’id ku qabtey magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in uu shirka isaga baxay kadib markii laga diidey fikirkii uu soo jeediyey, lana marin habaabiyey dastuurkii dalka,
waxaana uu ku tilmaamey odoyaasha dhaqanka kuwo meesha iska taagaan oo sawiro laga qaado oo aan u madax banaaneyn hawlahooda shaqo Ee Loo Xilsaartay.
Dhaqanka Soomaaliyeed waxaa jira Isimo, Malaaqyo iyo Duubab, waxaana dhaqanka beesha kuwaas uga hooseeya Nabadoono,
Ma jiraan nabadoono beeluhu soo dirsadeen ee waxa ka qaybgalaya waa Isimadii, Malaaqyadii iyo Duubabkii beelaha kuwaas oo aan ka badneyn 132 duub.
Mudane Goodax Wasiirka Qorsheynta Dawladda kumeelgaarka ah ayaa mar la weydiiyey ka bixitaanka Nabadoon XAAD ku tilmaamey mid u taala guddiga xalinta khilaafaadka kaas oo ka kooban 25 oday, laakiin waxa uu hoosta ka xariiqey in Nabadoon Maxamed Xassan Xaad uu markii horeba shirka dheeraad ku ahaa.
Wararka Soomaaliya Wakaalada wararka Soomaliyeed Ee Warsom)