(Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Madoobe Nuunow Maxamed oo ah Gudoomiyaha Qaar Ka Mid ah Barlamaanka Laga Talaabsaday Ee KMG Soomaaliya oo Qaar kamid ah Xildhibaanada U doorteen Guddoomiyaha Barlamanka laga talaabsaday ayaa waxa uu markii ugu horeeysay ka hadlay eedeymaha loo jeediyay dowladda dalkaasi Kenya.
Warar maalmahan aad la isla dhexmaraayay ayaa waxa ay sheegayeen in Kenya ay Shidaal ka faaganeeyso gudaha gobolada dalka Soomaaliya, taasoo lagu tilmaamay mid sharci darro ah oo aan loo baahneen.
Wasaaradda arimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa si cad waxa ay u qirtay in Kenya ay wado olole ay Shidaal uga faaganeyso Dhul Badeedka Soomaaliya, balse Kenya dhaleeceentaasi waa ay beenisay.
Shalay muddo kadib Xarunta Golaha Shacabka ayaa waxaa ku kulmay qaar kamid ah mudanayaasha Barlamaanka Laga Talaabsaday gaar ahaan kuwii taageerayay Madoobe Nunow Maxamed, waxa ayna ka doodeen Arinta Shidaal faagista Kenya.
Madoobe Nunow Maxamed oo Mudanayaasha Barlamaanka Laga Talaabsaday qaarkood ay u aqoonsan yihiin inuu yahay gudoomiyaha saxda ah ee Barlamaanka Laga Talaabsaday ayaa kulankooda kadib saxaafada waxa uu uga warbixiyay sida ay u arkaan Arintaas.
” waan maqalnay in Kenya ay Ceelal Shidaal ka qodaneeyso dhulka Soomaaliya lakin waan baareynaa, si aan u xaqiijino warkaas waxaan magacaabay Guddi baara Shidaal qodista la sheegayo” ayuu yiri Mr Nuunow.
Ugu dambeyntiina Madoobe Nunow Maxamed ayaa waxa uu Aduun-weynaha iyo Ciidamada Midowga Afrika ka dalbaday in ay la shaqeeyaan Guddigaas uu magacabaay ee baaritaan ku sameeynaya Shidaalka laga qodanayo Soomaaliya.