Hay’ada Nabad Sugida Qaranka Oo Wacad Ku Martay In Ay Ka Hor Tag Ugu Jiraan Weeraro Kaga Yimaada Al-shabaab.

0
525

 Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

Khaliif Axmed Ereg Taliyaha Ciidamada nabadsugida Gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay wadan hawlo amaanka ay ku sugayaan si ay uga hortagaan isku day kasta oo uga yimaada dhinaca alshabaab.

Sidoo Kale Khaliif Ereg Taliyaha Ciidamada hay’ada Nabadsugida Qaranka ayaa sheegtey inay ka foojigan tahey weeraro uga yimaada ururka alshabaab inta lagu gudo jiro bisha barakeysan ee Ramadan,iaydoo ay ku dhawaaqeen in ay sugi doonaan amaanka inta shirka ansixinta dastuurka oo lagu wado inuu muqdisho dhawaan ka furmo.

Wuxuu kaloo uu sheegey in ay bilaabeen xiliga habeenkii ah roondooyin magaalada amaankeeda suagaya isagoo intaasi ku darey in ay adkeeyeen amaanka wadooyinka soo gala xarunta lagu qabanayo shirka dastuurka ee School polisio.

Xarakada alshabaab ayaa horey u sheegtey in ay beegsaneyso cid kasta oo ka qeyb gasha shirka dastuurka.

Dhawaan ayaa lagu wadaa lagu wadaa in Muqdisho uu ka dhaco shirweyne lagu ansixinayo Dastuurka cusub ee uu yeelanayo dalka Soomaaliya,arintaasi oo keentay in ciidamada dowladdu heegan buuxa lageliyo si ay uxaqijiyaan ammaanka Muqdisho.

 Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)