Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
shirkii shalay waxaa hareeyey dood dheer oo ku saabsan in haweenka Soomaaliyeed ay helaan xuquuqda ay ku leeyihiin maamulka Soomaaliya, gaar ahaan in ay door muhim ah ay ka qaataan Siyaasadda Soomaaliya.
Gabdhihii shirka yimid ayaa soo qaatey boorar ay kor u sidaan kuwaas oo ay ku qoran tahay “Kudooran mayno haddii aadan noo ogoleyn xuquuqdayada”, “Aaway Miisaankeeni 30%” sidoo kale gabdhaha ayaa ku qaylinaayey in ay difaacayaan qondeyntii laga siiyey Baarlamaanka taas oo ah 30% in ay ka helaan 275 Xildhibaan ee imaan doona taas oo lagu heshiiyey shirarkii Garowe 1 iyo Garowe 2.
Madaxdii ka qaybgashey shirka ayaa si weyn uga hadley waxaana kamid ahaa Madaxweynaha Soomaaliya oo sheegey in qoondeyntii gabdhaha ee 30% ay tahay mid aan meelna looga baxaeyn, cidii laga waayo in ay gabdho keenaan laga qaban maayo liiska ayuu yiri Madaxweynuhu.
Shariif Shiikh Xassan ayaa isaguna sheegey in iyaga oo ah saxiixayaashu ay horey u gooyeen in gabdhuhu helaan 30% laakiin looga baahan yahay salaadiinta iyo malaaqyadu ay ka soo baxaan doorkooda. Ergayga Qaramada Midoobey Soomaaliya u fadhiya Augustine Mahiga ayaa dhankiisa adkeeyey in gabdhuhu sii wadaan halgankooda ilaa ay ka gaarayaan xuquuqdii ay lahaayeen.
Waxaa durba soo baxaya in beelaha qaarkood ee heley wax ka badan laba Xildhibaan ay soo hormariyeen rag taas oo mugdi gelinkarta in haweenku helaan xuquuqdoodi.
Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)