Gobanimadda jamhuuriyada soomaaliya oo aan hore u soo sheegney in ay god kusii dhaceyso ama ay ku dhacdeyba ayaan waxaan maanta iftiimineynaa sida loo khaldey gobanimadoonkii sharafta lahaa ee usoo halgamey gobanimada soomaaliya.
Gumeystuhu markii uu ogaadey shucuurta dadka soomaaliyeed oo ay hugaaminayeen ururkii gobanimadoonka dhalinyaradii SYL ayuu bedeley qorshihiisii gumeysi wuxuuna go’aansadey in uu sameeyo sadex qodob oo kala ah:
a) in uu ku dhawaaqo madax banaani uu siiyo soomaalida si kacdoonka gobanimodoonku u damo.
b) in uu soo dhaweysto soomaalida u qidmeynayey ee isaga la jirey waqtigii halganka lagu jirey,uuna ku beer laxawsado in uu xukunka iyaga loo dhiibayo ayna iska ilaaliyaan dadkii halganka caanka ku ahaa taasoo hadii aad dib u fiirisid taariikhda soomaaliya aad ka baran kartaan sooyaalki soomaalida.
c) iyo qodobka kale oo ahaa in gumeystuhu ka luga laabto gudaha soomaaliya,isagoo kor ka hagaya kooxdii uu dhaxalkiisii ku wareejiyey,waxeyna dadkii soomaaliyeed labo labo isugu qabsadeen jagooyinkii xukunka sida m/weyne ra’iisal wasaare,wasiiro,xildhibaan iwm.
Waxeyna arintaasi gaartey in dadkii soomaaliyeed ay kala qeybsamaan isuna laayaan qof qof,koox koox,qabiil qabiil,iwm halka gumeystuhu uu koorsooyin millatery iyo kuwa wax barasho uu debedaha ugu qaado dhaliyaro farabadan oo kala xirfado ah dalkana ay kusoo noqdaan iyagoo xambaarsan dhaqamo xun xun oo ay kasoo qaadeen wadamadii gaalada ahaa ee ay waxbarashada u tageen iyadoo gumeystuhuna ku yiri kooxdii uu xukunka u soo dhiibtey,waa in dadkaasi ay helaan baarar hottello shinoomooyin iyo meelo qamriga lagu cabo dhalinyaraduna ay kuwada tuntaan taasoo kor usii qaadey fisqi iyo fawaaxish,foolxumo iyo waliba colaado ba’an oo somaalida kala dhex gala ayna gumeystihii u fududaato in uu ka fushado wixii uu doono gudaha somalia bal fiiri sida hada wax u socdaan miyeyna kula aheyn in jidkii wali lagu socdo,oo ay haboontahey in gobanimada godka laga celiyo oo gumeystaha qarsoon iyo kan muuqdaba loo midoobo.(wey socotaa)