Sida lala wada socdo waxaa jamhuuriyada soomaaliya la yiraa ama la sheegaa in ay gobanimadeeda hanatey sanadkii 1960kii iyadoo ka qaadatey gumeystayaashii kala qeybsadey gumeysana jirey ee kala ahaa ingiriis iyo talyaani halka faransiiska oo ay yurub wada yihiina gumeystey qeybta somalida jabuuti iyadoo ithoupia lagu laaluushey soomaali galbeed ama dhulka loo yiqiin (reserve area) waxaana sidoo kale jirey dhulka somaalida Nfd oo ingiriisku raaciyey dalka kenya markii ay kenya madaxbanaanida ka qaadatey ingiriiska oo hore u gumeysan jirey ,taas oo u muuqata falsafad muujineysa kala qeybin lagu sameeyey dhulka soomaalida ee dhaca ama ku yaal geeska afrika.
Dad badan ayaa aaminsan in gobanimada loo soo dhintey,loo soo dhaawacmey aysan aheyn mid run ah balse ay shirqooleen kooxo somali ahaa oo gumeystaha la shaqeyn jirey,gumeystuhuna markii uu arkey sida ay bulshadu gobanimadooda u doonayaan uu heshiis kula galey kuwii isaga la shaqeyn jirey uuna shacabkii ku qanciyey in uu ka tagey madaxbanaani buuxdana uu siiyey halka uu ushii u dhiibtey kuwo isagu soo barbaarshey oo midabka soomaali ka ah jirka iyo dhiiguna gumeystaha la shaqeeyo iyadoo dadkii gobanimada usoo halgamey loo diidey in ay soo galaan xeyndaabka hugaaminta dalka qaarna xabsiyada ay ku dhinteen halka qaar kalena gaajo darxumo ugu dhinteen meelo kala duwan oo dunida guudkeeda ah.
Waxaana la moodaa in silsilada sheekadu ay wali sidii ku socoto aysana jirin gobanimo la heysto ama la heley ee gumeystuhu qidadahiisii uu wali sii wato,soomaaliduna aysan taas wali fahmin marka aad eegto sida hada wax u socdaana ay jidkii hore mid la mid ah lagu socdo bal fiiri sida somaalidii qaar loo faquuqey qaarna loo soo dhaweystey,nidaam federal kala qeybin hor leh iyo dastuur wax lagu sheegey oo aan soomaalida ka iman balse la rabo in lagu xalaaleysto rabitaan iyo dano gumeystaha qarsooni wato,waana xaqiiq in soomaali badani ogaan doonto waqti aaney wax ka dhihi karin oo ay isku mid yihiin kan maanta horboodaya iyo kan kasoo horjeedaaba.
Lasoco(q-2aad)insha allaah.