Dekadda Muqdisho Oo Qilaafkii Ka Daaknaa Cirka Isku Sii Shareeray.

0
448


(Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

 

Wararka naga soo gaaraya Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegayaan in wali uu jiro qilaafkii ku saabsanaa xaga maamulka dekadda Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

Dhowaan ayey ahayd markii Ra’iisul Wasaaraha dowladda KMG Soomaaliya Prof C/wali Maxamed Cali Gaas uu Maareeye cusub u magacaabay Dekadda Muqdisho ayaa waxa ay magacaabistaas sii hurisay qilaafka Dekadda ka jiray.

Maareeyihii hore ee Dekadda Muqdisho oo Wareysi gaar ah siinayay Wariyaheena magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sheegay in uu doonayay in Isbuucyo fursad loo siiyo si uu shaqadiisa u guto, hase ahaatee Xukuumada ayaa durba magacaawday Maareeye kale oo maamula dekadda.

Hadaba Shalay ayey ku beegneyd waqtigii sida rasmiga ah xilka loogu wareejin lahaa Maareeyaha cusub ee Dekadda, lakin waxaa la sheegay in Maareeyaha cusub loo diiday inuu gudaha u galo Dekadda magalada Muqdisho.

Ciidamo ka tirsan dowladda oo ilaalo gaar ah ka hayay Dekadda ayaa waxa ay is-horistaag ku sameeyeen Maareeyaha cusub oo lagu magacaabo mudane Cabdullahi Cali, iyagoo u diiday in uu Dekadda galo.

Saraakiil la socotay Maareeyaha ayaa waxa ay xaqiijiyeen in ciidamada Maareeyaha u diiday inuu galo Dekadda ay sheegeen in lagu wargalin inuu jiro Maareeye cusub oo la yiraahdo Cabdullahi Cali.

Arintaan ayaa u muuqata mid cirka isku shareereysa, waxaana haatan Dekadda ugu weyn Muqdisho ay leedahay 2 Maareeye ama Labo Gudoomiye.