Deegaano hoostaga Degmada Baardheere oo markale dagaalo ka qarxeen.

0
475

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Juungal oo ka tirsan Gobolka GEDO ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalo muddo qaddar 30 Daqiiqo ah socday ay dhaceen, iyadoo dowladda KMG Soomaaliya ay ka hadashay.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalka uu ka qarxay deegaanka lagu magacaabo Juungal oo ah deegaan u dhaxeeya Ceel-Waaq iyo magaalada Baardheere, waxaana dagaalka uu ka tagay qasaarooyin kala duwan.

Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa Ahlu Sunna Wal Jamaaca oo is-weheshanaaya ayaa waxaa la sheegayaa in ay kusii siqayyaan magaalada Baardheere oo ah halka la haminaayo in gacanta lagu dhigo.

Deegaanka Juungal ayaa 40 KM waxa ay u jirtaa magaaladaasi Baardheere, waxa ayna ku taal duleedka degmadaasi, iyadoo sida Xildhibaan Barlamaanka ka tirsan oo GEDO ku sugan uu sheegayo in saacadaha soo aadan ay gudaha u gali doonaan Baardheere.

Xildhibaan Maxamud Sayyid Aden oo ka tirsan maamulka dowladda KMG ee Gobolka Gedo oo goordhow Wariyaheena Balad-Xaawo nooga soo warama uu la xariiray ayaa waxa uu u sheegay in hawlgalkooda maanta uu gaari doono Baardheere.

Xildhibaan Sayyid ayaa waxa uu dhanka kale sheegay in dagaalka ka dhacay Juungal ay ku dileen Askar farabadan ooka tirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, inkastoo uusan sheegin cadadka Ciidamada ay ku dileen dagaalka.

Warar kale oo ka imaanaya gudaha degmada Baardheere ayaa waxa ay sheegayaan in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab halkaasi ku sugan ay qabaan dareen xoogan oo ku aadan in loo soo socdo.