dad lagu eedeeyay afduubkii dhadhaab oo la maxkamadeynayo.

0
578

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

DowladdaKenyaayaa ku dhawaaqday go’aankan maxkamadda lagu soo taagay 3 ruux oo lagu tuhmayo in ay ka danbeeyeen afduubkii dhawaan xirada dhadhaab loogu geystay shqaale samafal oo u shaqeynayay hey’adda NRC ee qaxootiga u qaabilsan dowladdaNorway.

3-dani ruux ee maxkamadda la soo taagay ayaa lagu kala magacaabaa Ahmed Hassan, Abdikadir Omar iyo  Hassan Ali waxaana lagu tuhmayaa afduubkii dhadhaab loogu shaqaale samafal.

Mid ka mid ah raggan ayaa la sheegay inuu u dhawaaday qirashada fal danbiyeedka lagula kacay shaqaalaha NRC waxaana lagu eedeeyay dhaawicii loo geeystay mid ka mid ah ilaaladii shaqaalaha samafal oo lagu magacaabi jiray Abdirizak Hussein.

Eedeysanayaashan ayaa la soo taagay maxkamada ku taalla magaalada Garisa ee xarunta gobolka waqooyibariwaxaana la marsiin doonaa cadaladda sida uu sheegay qaadiga maxkamadda sare ee magaalada garisa.

Hadii danbiyadaasi lagu cadeeyo 3 ruux ayaa lagu xukumi doonaa xabsi qaata waqti aad u dheer.

Shaqaalaha samafal ee NRC ayaa dhawaan waxaa soo badbaadiyay ciidamaada Somalia oo kaashanaya kuwa Kenya waxaana ay u kala dhasheen samafalayaashu dowladaha Canada, Norway, Pakistan iyo dalka  Philippine.

Abdishakur Hussein Mohamed (Shakra)