(Wararka Soomaaliya Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Ciidamada Nabad Sugidda Qaranka Soomaaliyeed ayaa Habeenkii Xalay degmada Shibis ku toogtay nin ku hubeysnaa Bastoolad, kaasoo la sheegay inuu doonayay in uu wax dilo ka dibna uu baxsado.
Taliyaha Ciidammada Nabad Sugidda gobolka Banaadir Khaliif Axmed Ereg ayaa sheegay in ninka la toogtay uu ku hubeysnaa bastoolad xili ciidammadu howlgallo amni xaqiijin ah ka wadeen degmooyinka Boondheere iyo Shibis Islamarkaana Ay Dadka Deegaanka ku Soo wargaliyeen In Qof Biskoolad Ku Hubeysan Uu Ku Suganyahay Degmada Shibis.
Sidoo Kale Qaliif Erig Ayaa Sheegay In Ay Ahaayeen 3Rag Islamarkaana Ay Doonayeen guud Ahaanba In Ay Baxsadaan Balse Ciidamada Ay Ka Hortageen Mid Ka Mid Ah Saddexdaasi Ayaa Meesha Lagu Toogtay Mid Kalena Waa la Dhaawacay Hase Yeeshee Midka La Dhaawacay Midkale Oo Aan waxba Gaarin Ayaa meesha Ku Baxsaday Ayuu Yiri Qaliif Axmed Erig Oo Ah Taliyaha Ciidamada Nabad Sugida Gobolka Banadir
Howlgalkan lagu toogtay ninkaasi hubeysnaa ayaa qeyb ka ah mid ay ciidamada nabadsugida ay ku xaqiijinayaan amaanka qeybo ka mid ah Gobolka Banaadir, wuxuuna Taliyaha ciidamada nabadsugida Gobolka uu sheegay in ay sii wadi doonaan ciidammada Nabad Sugidda Qaranka howlgalkaasi isagoo ka codsaday shacabka iney muujiyaan wadashaqeynta ay la leeyihiin hay’adaha ammaanka iyo hay’adaha Kale Ee Qaabilsan Aminiga.