sida lagu helayo wararka ka imaanaya degmada ceelbuur ee gobolka gelgaduud bartamaha soomaaliya waxaa galinkii hore ee maanta degmadaaasi isaga baxay ciidamadii xarakada alshabaab ee mudooyinkii ugu danbeyay ku suganaa degmadaasi.
dadka deeganka iyo tira yar oo ka tirsan dadkii taabacsana xarakada alshabaab ayaa lagu soo waramaya in ay ku sugan yihiin degmada hada.
xarakada alshabaab ayaa dadka deeganka ku amray in ay isaga baxaan gudaha degmada ceelbuur ee gobolka gedo iyagoo usababeeyay in degmada ay usoo socdaan ciidamadii kal hore faarujiyay degmada ceelbuur ee kala ahaa ciidamada Ethiopia iyo kuwa ahlu sunna waljameeca.
dadka deeganka ayaa waxa ay saxaafada usheegen in dhamaan gaadiidka xarakada alshabaab ay isaga baxeen degmada waxase hada xusid mudan in ay degmada ku jirto cabsi baahsan oo dadka deeganka ay ka qaban in degmada ay dagaalo ku dhexmaraan xarakada alshabaab iyo ciidamada isbiirsanaya ee ahlu sunna waljameeca iyo ciidamada Ethiopian ka ah.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.