Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)
Ambassador Augustina Mahiga Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa safar ku Tagay magaalada Garowe ee caasumada Puntland, safarka wakiilka Qaramada Midoobay ayaa ah mid yimid kadib dib u dhicii ku yimid shirkii ansixinta Dastuurka ee lagu waday inuu Muqdisho todobaadkan ka furmo oo dib u dhacay.
Cabdiraxmaan Maxamed Faroole Madaxweynaha Puntland, Ayaa Kulan Gaar Ah la Yeeshay Mahiiga ayadoo kulankan kadib saxaafada ay labada mas’ uul kula hadleen xarunta Madaxtooyada ee Garowe Ee Puntland.
Faroole Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka wadahadleen Mahiga ay ugu muhiimsanaayeen sidii loo dadajin lahaa isla markaana wakhtigii loogu talo galay lagu soo afmeeri lahaa Wakhtiga kala guurka Ah.
Augustina Mahiga ayaa asaguna sheegay in loo baahan yahay in wakhtigii loogu talo galay 20ka Agoosto ee sanadkan laga gudbo wajiga Kumeel Gaarka, balse Mahiga ayaa xusay in caqabada ugu weyn oo loo baahan yahay in laga gudbo ay tahay magacaabida Xubnaha shirka Dastuurka ka qeyb galaya iyo Baarlamaanka cusub ee aan weli beelaha Soomaalida dhameystirin
Mahiga Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya ayaa isla galabta xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garowe kulan wadajir ah kula yeeshay Madaxweynaha iyo Issimada Puntland qaarkood oo uu kala hadlay kaalinta beelaha iyo Puntland ee ku aadan hirgelinta qorshaha Roadmapka iyo dhameystira wakhtiga kumeel Gaarka ah ee DowladaTFG-da Soomaaliya.
Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)