Afhayeenka AMISOM Oo Sheegay Inay Soo Gaba-Gabeeyeen Wajigii Koowaad Ee Howlgalkii Ciidan Ey Ka Wadeen Magaalada Muqdisho Iyo Hareeraheeda.

0
477

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)

Afhayeenku wuxuu intaas ku daray inay qorsheynayaan inay  gaaraan gobollada kale ee dalka oo ay gacanta ku hayaan Xarakada Al-shabaab oo dagaal kula jirta dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM.

“Howgalkeenna wajigiisii koowaad waan soo gabgabeynay, waxaana kaga saarnay Al-shabaab degmooyinka Afgooye iyo Balcad oo ka tirsan Shabeellooyinka; waxaan dhawaan billaabi doonnaa howgallada wajigoodii labaad,” ayuu yiri Col. Xaamud.

Ciidamada AMISOM ayaa waxay tan iyo billowgii sannadkii hore kula dagaalamayeen Muqdisho xoogagga Al-shabaab, taasoo keentay in Al-shabaab ay bishii Ogoosto ee sannadkii hore ku dhawaaqeen inay isaga baxeen degmooyin dhowr ah oo Muqdisho ay kaga sugnaayeen sababo ay ku sheegeen xeelad dagaal.

Taasi waxay sahashay in ciidamada DF iyo kuwa AMISOM ay la wareegaan gacan ku haynta magaalada Muqdisho oo dhan ayna u gudbaan degmooyinka ku dhow, waxaana howgalladaas dhulka looga qabsaday Al-shabaab dhiirri-geliyeen beesha caalamka oo muddo dheer ku taamaysay in Muqdisho ay gacanta dowladda KMG ah gasho.

Ugu dambeyn, afhayeenka AMISOM ayaan sheegin xiliga ay wajiga labaad ee howl-galladoodu billaaban doonaan iyo deegaannada ay sida rasmiga ah u doonayaan inay kala wareegaan Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab ay tan iyo sannadkii hore ka baxayeen deegaanno ay awood badan ku lahaayeen.

 

(Wararka Soomaaliya Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom.com)