Xaflad lagu soo bandhigayey buug uu qorey Abwaan Mustafe Sh Cilmi oo la magac baxay DAL MASIIBO DABBAASHAY DAREEN HOY U AHAADAY ayaa lagu qabtey magaalada Stockhlom ee dalka Sweden.
Xafladdan oo ay ka soo qeyb galeen qeybaha kala duwan ee bulshada hayeeshee ay ka dhex muuqdeen aqoon yahanno ,macallimiin, Fannaaniin iyo qorayaal Soomaaliyeed ayaa ugu horreyntiiba waxaa hadalka furay Qoraa sare Yuusuf Hassan oo mahadcelin u soo jeediyey Abwaanka sida wanaagsan ee suugaantiisa uu u gaarsiiyey bulshadda iyo qeybtii wanaagsaneyd oo uu ka soo qaatey wacyigelinta bulshada in qeyb ka mida suugaantiisa la soo bandhigana ay tahay mid aan la illoobi karin timidna xili loo baahnaa.
Kaddib waxaa microofanka lagu soo dhaweeyey Abwaan Mustafe Sh Cilmi isagoo si kooban uga hadlay taariikhdiisa xiligii uu fanka ku soo biiray iyo halka uu ka soo galay,sidoo kale wuxuu Abwaanku cadeeyey in suugaantiisa oo dhan aan lagu soo koobi karin buug oo qura balse tani ay tahay qeyb ka mid ah. Waxa uu Abwaanku farta ku fiiqey in buuggani aysan ku jirin suugaantii ka hadleysey jaceylka iyo waddaniyadda balse uu ka hadlayo dhacdooyinkii soo marey dalka wixii ka dambeeyey 1978dii iyo wixii uu abwaanku ka tiriyey.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.