WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wararka aanu ka helayno Ciidamadda Amniga ayaa sheegaya in shan qof loo xidhay baadhitaano la xidhiidha falkii Toogashada ahaa ee shalay subax lala beegsaday Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Hargeysa C/rashiid Maxamed Maxamud Duraan.Shanta qof ee ilaa hada la hayo waxa ay kala yihiin sida ay Ilo wareedyo kala duwani noo sheegeen Shiine Dhibida, Cabdi Madoobe, Maxamed X C/laahi, Ina Qawdhan iyo Mawliid Galbeedi (Malo), kuwaasoo ay shalay Ciidamadda Booliisku siyaabo kala duawan u soo qabteen.
Ilaa hada xadhiga Xubnahan Xukuumaddu si rasmi ah umay shaacin, Hase yeeshee Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa shalay sheegay inay hayaan raad fiican oo ibo-fur u noqonaya baadhista Kiiskaasi iyo cidii geysatay.Xubnahan ayaa loo aanaynayaa inay saaxiibo dhaw ahaayeen masuuliyiintii dhawaan loo xukumay Raashinkii Mucaawinada ahaa ee la Leexsaday iyadoo ay Maxkamadda Gobolku ku qaaday inay dayaceen masuuliyadii Raashinkaasi ka saarnayd.
Xukuumaddu way ka gaabsatay inay wax war ah ka bixiso xubnahan la hayo iyo halka ay u
marayaan baadhista ay sheegtay inay ku hawaln tahay, hase yeeshee wararka ilaa hada na soo gaadhayaa waxay sheegayaan inaanay jirin cid kale oo ila hada falkaasi loo qabtay.
Dhinaca kalena Amniga Casimadda Hargeysa ayaa xalay aad loo xoojiyay, waxaanad goob kasta ku arkaysay Ciidamo Booliis ah oo gaaf-wareegay Jidadka iyo xaafadaha Dhexdooda. Waxaana shalay falkaas toogashada ah kadib soo saaray Bulshada Cabsi ay ka qaadeen hab dhaqanka Toogashada ah oo aanay Somaliland hore u lahaan jirin.Arrintani waxay ka dhex dhalisay Bulshada Dood saamayn ku yeelatay hab nololeedkoodii hore, waxaanau xusuustoodii shalay oo dhan soo guraysay wararka la xidhiidha falalkii khaarajinta ahaa ee ka dhici jiray Goboladda Koonfureed ee Somaliya iyo Gobolka Sool.Si kasta ha ahaatee Bulshada iyo Xukuumadda Somalilandba waxay ka midaysnaayeen shalay in gacanta lagu soo dhigo cidii falkaas samaysay
iyo kuwii ka danbeeyayba ee soo abaabulay.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.