WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo ah xildhibaanka ugu da’da weyn mudaneyaasha labada gole ee Baarlamaanka Somaliland ayaa ku baaqay in la joojiyo shirka beesha Habar Yoonis haddii ujeedo dumin ah uu salka ku
hayo, balse haddii wanaag lagu shirayo ay daw tahay, isaga oo dhinaca kalena taageeray xukunkii Maxkamada gobolka Hargeysa ay dhawaan ku riday masuuliyiintii ku eedaysnaa raashinkii mucawinada ahaa, waxaanu tilmaamay in qofkasta oo la qoonsado la xidhi doono.
Sidoo kale Xaaji Cabdikariin ayaa markii ugu horaysay su’aal aan waydiiyey is-diidsiiyay dagaalna uu ii raaciyey inuu ka hadlo xidhiidhka ka dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Siilaanyo.
Waraysigaasi oo aan shalay kula yeeshay xarunta golahooda Radio
Warsom ayaa sidookale Xaaji Cabdi Waraabe uu kaga hadlay arrimo kala duwan, waxaanu waraysigaasi u dhacay sidan:-
S; Xaaji Cabdi Xukunkii Maxkamada gobolka Hargeysa ay maalintii Axadii todobaadkan ku riday masuuliyiintii lugu soo eedeeyey raashinkii mucaawinada ee la musuqmaasuqay siduu kuugu muuqday?
J: Ninkii la qoonsado-ba waa la xidhayaa, si wanaagsan baan u arkaa Maxkamadu waa Maxkamad cadliya, ninkii baydha Madax iyo minjaba, Maxkamada waxa loo dhisay inay xukunto.
S: Waxaa lagugu xantaa in xukuumadii timaada iyo Madaxweynahayaasha hogaaminayaba aad qalad iyo sax-ba ku taageerto, arrimahaasi maxaa kugu ka lifa?
J: Hadaa ma gidaarada ayaan ka qayliyaa Madaxweynayaasha iyo dawladaha aniguun baa la hadla, nin qaad doonaya ayuun baa qaylinaaya, ma qaad baan doonaa oo gidaar baan istaagaa? Hogaan dhaqameed qaloocana yaan la arkin,
kuwa afka xun ku hadlaya ee shacbiga iyo xukuumada u dhexeeyaana hays toosiyaan, ilaa Yoomal Qiyaamaha wax way dhinaanayaan.
S: Qaar ka mid ah Madaxdhaqeedyada beesha H/yoonis waxay dhawaan sheegeen in shir beeleed ay ku qabsanayaan badhtamaha bisha July 2012-ka magaalada Ceerigaabo ee xarunta Sanaag arrinkaa sideed u aragtaa?
J: Odhaahda Habar Yoonis yidhaahdeen baa wax u dhimaysa, hadalkaa horaa loo yidhi oo Garxajis bay yidhaahdeen oo horay ugu ceeboobeen, shirka wax toosinaya ee wax dhisaya waa macne hadduuse wax dumaniyo halaga joojiyo.
S: Garaadada beelaha Dhulbahante ee Muqdisho ka raadinaya midnimo Soomaaliyeed ee Somaliland ka maqan, maxaad ka odhan lahayd?
J: Waxaan idin leeyahay dalkiina Somaliland aamina oo iska daaya dibad wareega, hogaan dhaqameedkiina Sool iyo Buuhoodlow reer Somaliland baad tihiine dadkiina waxbarasho iyo horumar u doona, iska daaya dibad wareega
oo dalkiina u soo noqda.
S: Xubno ka tirsan golihiina guurtida ayaa waxay dhawaan Madaxweynaha ku eedyeen inuu golaha baabiinayo, arrinkaa maxaad ka leedahay?
J: Hadal la waayi maayo ilaa Yoomul Qiyaamaha, hadal nin ka muruxsadayna lama raad raaco, dawlad baynu nahay hadal baydh la waayi maayo, Madaxweynuhu wax uu dhiso mooyee wax uu baabiinayo maan arag.
S: Xaaji Cabdi Xidhiidhka idinka dhexeeya Madaxweyne Siilaanyo oo lagu tilmaamo inaad si weyn iskugu dhaw-dhawdihiin muddadii uu talada hayay, sidee buu yahay?
Xaaji Cabdikariin oo su’aasha aan waydiiyay ka gubtay, isla markaana cadho badan ka muujiyay su’aashaasi, ayaa feedh faro gorgor ah iigaga dhuftay laabta, waxaanu igu yidhi “Ma Su’aal la is weydiiyaa adiga iyo madaxweynaha xidhiidhkiina ka waran maxaad uga jeedaa?
Nin xun baad tahay suxufi Farxaan Maskaro , waa Madaxweynahaygii dee, dadkoo dhana waa u wada Aabo waana nin weyn Ictiraafkiina taako ayuu u jiraa.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land