Waxaa maanta soo gaadhay magaalada Boorama wasiirka dib udajinta iyo dib udhiska Somaliland C/risaaq Cali Cismaan oo maanta soo gaadhay magaalada Boorama ayaa ay u suurta gashay in ay la xidhiidho shabakada warbaahinta ee warsom.com waxaanu sheegay in ay tahay ujeedada socdaalkiisani mid uu ugu kuurgalaayo xaalada abaareed ee ay ku suganyihiin deegaanada kaladuwan ee ka tirsan gobalada Awdal iyo Salal.
Wasiir C/risaaq ayaa mar uu wax farta ku fiiqay deegaanada sida gaarka ah uu u soo indho indhaynaayo ayaa waxaa uu sheegay in uu soo kormeeraayo deegaanada Lughaya, Garbodadar, Saylac, Boon Dhagaxa madaw, Weeraar, Fadhixun, Geerisa,Xaliimaale,Heemaal,Xariirad iyo deegaamo kale oo ka tirsan gobaladani.
Wasiirku mar uu ka waramaayay ujeedada dhabta ah ee ka danbaysay socdaalkiisani iyo inta maalmood ee uu qaadanaayo ayaa waxaa uu sheegay in aytahay sidii uu u soo ogaan lahaa deeqihii kaladuwanaa ee la gaadhsiiyay dadka barakacayaasha ah ee ay haleeleen abaaruhu sidii loo qaybiyay hadii si saxan loo gaadhsiiyay iyo hadii ay khalado ka dhaceenba, waxaana uu sheegay in uu safarkiisani qaadan doono mudo laba maalmooda.
Sikastaba ha ahaatee safarka wasiirka dib-udajinta Somaliland mudane C/risaaq Cali Cismaan ayaa waxaa uu ku soo beegmayaa xili ay mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka jireen abaaro ba’ani deegaano badan oo ka tirsan gobalada Awdal Iyo Salaal, iyada oo ay dadka deegaankaasi inbadan ay ka cawdeen in aan si saxa loo soo gaadhsiin deeeqaha loo soo diro, socdaalkani wasiirkuna la filaayo in uu waxyaabo badan iftiimiyo.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land