WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland, Maxamed Nuur Caraale (Duur), ayaa lacag ku soo roggay qof kasta oo doonaya inuu kula kulmo xafiiskiisa.
Warqad qoraal ah oo lagu dhejiyay Xafiiska Wasiirka Daakhiliga ayaa lagu sheegay in qof kasta oo doonaya inuu la kulmo wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland uu fuliyo shuruuddo ay ugu horeyso inuu qofku marka hore soo qorto Arji uu ku caddaynayo muraadka uu wasiirka u doonayo inuu kula kulmo, kadibna uu arjigiisa ka soo cashuuro Wasaaradda jaaliyadda Somaliland, halkaas oo uu ku soo bixin doono cashuur xadigeedu dhan yahay Lix kun oo shillinka Somaliland.
Inkasta oo ay Wasaaradda Maaliyaddu miisaaniyad-sannadeedka 2012 ee golaha Wakiiladu ansixiyeen ay tacriifadihii ku lifaaqnaa ee lala ansixiyay ay ku jirtay cashuurta dhokumentiyada ama codsiyada hay’addaha dawladda gelaya, taas oo ah mid tigidh ah oo codsiyada ama dhokumentiyada lagu dul-dhejinayo, haddana tacriifadaha cashuurta ee la ansixiyay kumay jirin cashuur cusub oo laga qaado qofka la kulmaya masuul dawladeed xataa Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku-xigeenka.
Hase yeeshee, wasiirka Daakhiliga oo inta badan aan fadhiisan xafiiskiisa, ayaa dadweyne farabadan oo ilaa toddobaadkii ina dhaafay wasaaradda Daakhiliga u tegay inay wasiirka la kulmaan waxay kala kulmeen amarka cusub ee wasiirku ku soo roggay la kulankiisa, taas oo ay u arkeen qaar ka mid ah dadkii arrintan kala kulmay wasaaradda Daakhiligu mid uu wasiirku kaga baxsanayo la kulanka dadka dan yarta ah ee cabashooyinka kala duwan ula taga xafiiskiisa, isagoo ku gabanaya tacriifadda cashuurta ah ee lagu soo roggay wixii dhokumenti ah ee xafiisyada gelaya.
Xukuumadihii kala dambeeyay ee Somaliland iska dambeeyay waa markii ugu horeysay ee wasiir ama masuul dawladeed uu lacag ku soo roga la kulankiisa dadweynaha uu u shaqeeyo. “Dhakhaatiirtii baanu la yaabanayne Duurna ma waxaa uu yidhi Tigidho ii soo goosta dadkii uu u shaqeynayay. Tu walba waynu arki” Sidaas waxaa yidhi mid ka mid ah dadweynaha doonayay inay la kulmaan Wasiirka oo arkay Qoraalkan ku dhajisan Gidaarka.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.