Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed C/llaahi Cumar ayaa ka
warbixiyay kulanka dhex maray Madaxweynaha Dowladda KMG iyo Madaxweynaha
Somaliland, isagoo sheegay inuu daba socday shirkii dhowaan ka dhacay
Magaalada London ee dalka Ingiriiska.
Mr Cumar ayaa sheegay in kulanka oo maanta ka dhacay Magaalada Dubai ay
labada Madaxweyne ku ogolaadeen heshiiskii shirkii London, isla markaana ay
soo dhoweeyeen sida uu yiri.
“Kulankii dhex maray labada madaxweyne wuxuu daba socday shirkii dhowaan ka
dhacay Ingiriiska ee Gudiyada labada geesood ku wada hadleen kuna
heshiiyeen qaabka wada hadalka, shirka wuxuu ka dhacay Dubai, labada
Madaxweyne way ogolaadeen heshiiskii shirkii London wayna soo
dhoweeyeen”ayuu yiri Dr. Maxamed C/llaahi Cumar oo wareysi siiyay Laanta
Afka Soomaaliga ee BBC-da.
“Waxay fasaxeen labada gudi inay sii wadana wada hadalka in arrimaha laga
wada hadlo, waxaa shirka ka soo qeyb galay, marti gelintiisa lahaa
imaaraadka carabta, wasiiru dowlaha iyo wasiir kuxigeenka iyo
mas’uuliyiinta Carbeed”ayuu sii raaciyay hadalkiisa.
Dr. Maxamed C/llaahi ayaa sheegay in Labada Madaxweyne ay muujiyeen
taageero, ogolaansho iyo hogaamin Gudiga labada dhinac, kaasoo uu xusay
inay hoosta ka xariiqeyso in wada hadalada in si mug dheer oo ballaaran loo
wado sida uu yiri.
Waxaa uu sheegay in labada Madaxweyne ay saxiixeen Documenti ku aadan in
wada hadala uu dhex maro, hadii Dowladda hada jirta ay bedesho dowlad kale,
isla markaana la sii wado, taasoo uu xusay in aanay aheyn wax dhibaato ah.
Kulankan dhex maray Madaxweyne Shariif iyo Madaxweynaha Somaliland Axmed
Maxamed Siilaanyo ayaa noqonaya kii u horeeyay si fool ka fool, oo
Madaxweyne Somaliland ah uu la kulmo Madaxweynaha Soomaaliya tan iyo markii
1991-kii ay ku dhawaaqday Somaliland inay gooni isaga taagtay.