Ururka ARDAA waa urur samafal ah oo lagu aasaasay wadanka Canada sanadku markuu ahaa 2009-kii, taasoo ujeedada loo aasaasay ay ahayd wax ka qabashada qaarkamida baahiyaha ka jira Somaliland gaar ahaan Gobolka Awdal.
Ururka ARDAA wuxuu dhabarka u ritay oo uu ballan ku qaaday inuu wax ka qaban doono dhismaha dekeda Lughaya, taasoo soo noolaysay marlabaad rajada dad badan oo jeclaa inay maruun arkaan dekeda lughaya oo lugaheeda isu taagta.
Aasaaskii Ururka ARDAA waxaa ka soo wareegay muddo 3 sanadood ka badan waxaanay intaas ku jireen dhaqaale ururin laga dhex wado shacabka ka soo jeeda Gobolada Awdal iyo Selel si uu u meelmaro ajendaha ururku oo ah ka midho dhalinta Deked caalamiya.
Waxaa Gobolka Awdal ka socda beryahan dambe horumar balaadhan oo ay shacabku ku talaabsadeen, taasoo keentay in dadku iyagu isku tallo galaan si ay u dhistaan jidka isku xidha Borama iyo Hargeysa si ay u fududaato isku socodka iyo ganacsiga labada Magaalo, waxaana masuuliyadaas hawsheeda gacanta ku haya oo xilka dhabarka saaray ururka Wadaniga ah ee ASARDA, inkasta oo aanay meesha ka maqnayn gacanta Xukuumada Siilaanyo oo ku darsatay 4-KM oo la dhamaystiray isla markaana ballan qaaday dhisida 6 KM oo kale.
Ururka ASARDA ayaa la aasaasay muddo ku dhow laba sanadood taasoo aad moodo inuu ku socdo xawli dheeraynaya marka la eego hawlaha ay qabteen. Waxaanay ilaa iyo inta la ogyahay ay dhiseen 8 Km oo laamiya ayna ku baxday lacag Ka badan I Milyan Dolar.
Waxaa dhawaan ka dhacay wadanka Turkiga shir Caalami ah oo ay soo qaban qaabisay Wadanka Turkigu oo loo qabtay Somaalida, kaasoo labo ujeedo lahaa:
1) – Mid siyaaasadeed
2) – Mid dhaqaale oo khuseeya dibu-dhiska Wadankii la isku odhan jiray Somaliya
Dhinaca dhaqaalaha oo qabsoomay maalintii labaad ee shirka Istanbuul ayaa waxaa ka soo qaybgalay dad tiro badan oo ka kala socday gobolada kala duwan ee dalka soomaaliya iyo aqoonyahanno ka soo boqoolay dibeddaha oo iyaguna watay qorshayaal iyo Ururo si ay dawlada Turkiga ugu soo bandhigaan baahiyaha ay qabaan ee ay rabeen in Turkigu ka caawiyo.
Turkiga ayaa hore u ballan qaaday wax ka qabashada iyo dibu-dhiska Soomaaliya Taasoo wadamada kale ee reer galbeedkuna ku taageereen wax kaqabashada dibudhiska Soomaaliya.
Ururka Asarda iyo shirkada Africa Online oo labaduba ka hawlgala Gobolka Awdal ayaa iyagu fursad u helay inay ka qayb galaan shirkaas caalamiga ah ee ka dhacay wadanka turkiga caasimadiisa Istanbuul, waxaanay u gudbiyeen baahiyaha ay qabaan ee ay rabeen in Turkigu wax kala qabto.
Warar xogogaala ah oo aanu ka helnay xubno ka mida ka qaybgalayaashii shirka Istanbuul ayaa noo xaqiijiyay in Turkigu balan qaaday dhismaha isku xidhka Jidka u dhexeeya Borama iyo Saylac, balse ma cadda wakhtiga rasmiga ah ee hawsha bilaabi doonaan, waxaase la saadaalinayaa inay bilaabaan kadib qabsoomida tartanka doorashada madaxtinimada Soomaaliya oo ku beegan bisha sideedaad ee sanadkan labaatankeeda.
Ururka ARDAA oo u baahan dhaqaale badan si ay ugu suurta gasho dhismaha Dekeda Lughaya ayaa la odhan karaa waxay lumiyeen fursad dahabiya oo uu kaga qaybgeli lahaa Shirka Istanbuul si uu fikirka wanaagsan ee Dhismaha dekeda lughaya ugu qanciyo dalka Turkiga.
Dhinaca kale illo xogogaal ah oo ka gaabsaday in la shaaciyo magacooda ayaa shabakada Cadceednews kala soo xidhiidhay magaalada Borama, ayaa sheegay in la sameeyay Guddi cusub oo dardar gelisa Dhismaha Dekeda Lughaya.
Waxaanay ilahaasi noo xaqiijiyeen qaarkamida Gudidan cusub ee la dhisay taasoo ay sheegeen in Gudoomiye doortay Mr. Siciid Cabdi Gaagaale (Borama), gudoomiye ku xigeena waxaa loo magacaabay Mr. Maxamed Daahir Adan(Edmonton). Weli
Lama oga in gudidan cusubi ku shaqayn doonto magaca ururka ARDAA iyo inay la soo bixi doonaan magac cusub oo iyaga u gaar ah.
Ururka ARDAA ayaa sheegay inay shir ku qaban doonaan magaalada Boorama ee caasimada gobolka Awdal bishan june ee aan ku jirno dabayaaqadeeda si loo dardargeliyo dhismaha dekeda lughaya, sida uu gudoomiyaha ARDAA Mr. Ibraahin Cabsiiye ku sheegay qoraal uu dhawaan saxaafada u qaybiyay.
Si kastaba ha ahaatee waxaan weli cadeyn in aasaaska Gudidan cusubi ay nasin doonaan Ururka Ardaa oo ay muuqato inay ku adkaatay dhisida dekeda lughaya, iyo inay noqon doonaan laba urur oo mataano ah, balse ilahani waxay tibaaxayaan oo ay carabka ku dhufteen inay meesha ka saari doonaan ururka Ardaa oo gudidan cusubi xilka dhabarka u ridan doonto.
Xafiiska Warqabadka warsom.com
Boorame,S/Land