Taliyaha ciidamada AMISOM oo booqday degmada Afgooye.

0
511


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Taliyaha cusub ee Ciidammada Midowga Afrika ee ka howlgalaya Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay kormeer ku tagay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose halkaasi oo dhowaan ay Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM wadajir uga xoreeyeen Maleeshiyada Al-Qaeda.

Kormeerkaan uu ku tagey degmada Afgooye General Andrew Gutti Taliyaha Cusub ee Ciidammada AMISOM ayaa salka ku hayey inuu u kuurgalo xaaladda ay degmadaasi ku sugan tahay iyo sida ay xiligan xaaladoodu tahay Ciidammada Midowga Afrika.

Isagoo kula hadlayey Kumanaan Ciidammo ah oo ka tirsan AMISOM duleedka degmada Afgooye ayuu yiri”waxaan aad ugu faraxsanahay howsha aad qabateen indhaheyga ayaanna ku arkay inkastoo shaqooyin badan la qabtay hadana weli waxaa ina sugeysa shaqo culus”

Waxa uu ugu dambeyntii kula dardaarmay Ciidammada Midowga Afika iney sii wadaan howlgalladooda isagoo carabka ku adkeeyey in howlgalka ka guul gaaristiisa ay tahay ayadoo dalka oo dhan laga saaro Maleeshiyada Al-Qaeda ayna arintaasi tahay howl lagama maarmaan ah.

Xafiiska Warqabadka warsom.com