Suldaan Maxamed S.C/iqaadir‏ “London Oo Lagu wada Hadlaa Waxa Ka Haboon In Shir Lagu Qabto Hargeysa, Sheekh Shariif Iyo Cidii Wada-Hadal Doonaysana Ay Halkan Inoogu Yimaadaan”

0
491


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir ayaa sheegay in Magaalada London ee uu ka socdo kulanka Wada-hadalada Somaliland
iyo Soomaaliya inay kaga haboonayd in lagu qabto Caasimada dalka ee Hargeysa, kaas oo tilmaamay in loo baahan yahay in bulshada Somalia la tuso horumarka shacbiga Somaliland gaadheen 21-kii sano ee ay goonida u taagnaayeen.

Suldaan Maxamed waxa uu sidaas ku sheegay mar uu xalay Wargeyska Haatuf Waraysi khaas ah ku siiyey khadka tilifoonka isaga oo ku sugan Magaalada
Hargeysa, kaas oo sidoo kale Madaxwayne Siilaanyo ugu baaqay inuu ku dhiirado marti-galinta shirka wada-hadalada Somaliland iyo Soomaaliya, kaas oo tibaaxay inay noqonayso guul siyaasadeed oo Somaliland u soo hoyatay.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir waxa uu sheegay in shirka shalay Somaliland iyo Soomaaliya uga furmay xarunta dalka Britain ee London ee maanta la filayo inuu soo gabo-gaboobo inay ka soo bixi doonaan Ajandayaal u sii gogol xaadhaya sidii labada dhinac ay Mustaqbalka dhaw arimahaado go’aan ugu gaadhi lahaayeen, waxaanu sidoo kale ka hadlay Weerarkii kooxda nabad-diidka ahi habeen hore ku qaaday dad rayid ah oo degan Tuulada Gawso-wayne ee gobolka Saraar, kaas oo ku baaqay in nabada la wada ilaaliyo. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya shirka London, waxa uu yidhi “Shirkaa gogol xaadhka ah ee maanta u furmay Somaliland iyo TFG-da waxaan
filayaa in meeshii in lagu qabto ku haboonayd inaan lagu qabanin laakiin waxaan qabaa in shirkaasi uu ku wanaagsanaa meel nabadgalyo ay taalo oo cimilo wanaagsanina ka jirto, Magaalada London ee shirkaasi ka furmayna waxaan qabaa inay kaga haboonayd in lagu qabto Caasimada Jamhuriyada Somaliland ee Hargeysa, ujeedada aan kula jeclaan lahaa inuu shirkaasi halkan ka qabsoomana waxa ka mid ah in Shacbiga Koonfurtu ay indhahooda ku arkaan waxaynu qabsanay oo ay ogaadaan inaynu nahay ummad shacbigeedu go’aansaday gooni isku taag oo aanay xukuumadu iyadu talada u soo dhigin dadka, markaa waa mihiim in Soomaaliya iyo duniduba arkaan waxaynu qabsanay iyo sida aynu isku maamulnay iyo horumarka aynu ku talaabsanayba. Anigu waxaan qabaa in bulshada koonfurta oo la tuso xaqiiqada dhabta ah ee ka
jirta Somaliland ay fududaynayso inay inoo garaabaan oo waxa ay hada inagula soo dhiiranayaan aanay inagula soo dhaceen”.

Suldaan Maxamed isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya sababta uu Hargeysa kula jeclaaday inay ku wada hadlaan Somaliland iyo Soomaaliya, waxa uu yidhi “Waa amni London laakiin hadana falal argagixiso ayaa mararka qaar ka dhaca oo waad arkaysaa sida dadka marka la doono loo qabqabsado, waxaana dhici karta maadaama oo dalka Ingiriiska ay laba Jaaliyadood oo Koonfur iyo Somaliland ka soo kala jeedaa ay dagan yihiin in isku dhac ka yimaado oo dhibaato amni daro uu shirkaasi ka dhaliyo London. Laakiin hadii shirkaasi ka qabsoomo Hargeysa cid isku xagxagan mayso oo laba shacbi oo isku dhacayaana ma jiraan, waxaanay arki doonaan Madaxda uga qaybgalaysa wada hadalku waxa shacbigeenu qabsaday, maxaa yeelay xaalada Xamar iyo xaalada Hargeysa way kala duwan yihiin oo waxaad mar walba maqlaysaa Muqdisho halkan ayaa wax lagu dilay iyo halkanay Al-Shabaab soo gashay iyada oo xukuumadiina joogto oo aanay waxba ka qaban karaynin”.

Suldaan Maxamed Suldaan C/qaadir mar uu ka hadlayey Mawqifka shacbiga Somaliland, waxa uu yidhi “Madaxbanaanida Somaliland shirka London-na ma hayo cid kale-na ma hayso ee shacbigan ayey arintaasi ka go’daa, Ummadani waxa ay doonayso-na cid u diidi kartaa ma jirto, laguma khasbi karo waxaanu doonaynin, 21 sanadood ayeynu ku kala maqnayn koonfur oo aynu inagu dawladd iyo nidaam samaysanay iyaguna ay is dilayeen, hadii maanta markii ay soo kala jeedsadeen ay yidhaahdaan waxbaanu idinla galaynaa wax macquul ah maaha”.

Isaga oo hadalkiisa sii watana waxa uu intaas ku daray “Waxa ka soo baxaya ayuun bay aniga ila tahay sidii loo wada hadli lahaa Mustaqbalka dhaw iyo halkii lagu wada hadli lahaa oo aan waliba anigu ku talin lahaa in lagu wada hadlo Caasimada Somaliland ee Hargeysa, waayo micno wayn ayey inoo samaynaysaa hadii halkan lagu wada hadlo, maadaama oo aanay hore-na cid aan ganacsato ahayni inooga imanin Koonfur”.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.