WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Sida la ogyahay Somaliland kama madhna xoogagga Al Shabaab ee ka dagaalama koonfurta Soomaaliya, waxana la oga qaraxyadii ay ka geysteen Hargeysa sannadihii inna soo dhaafay iyo iskuday-yada fashilmay ee ay xoogaggaasi ku doonayeen inay dhib kaga geystaan deegaanno tiro badan oo ka tirsan dalka.
Waxa kale oo la ogyahay in boqoqlaal reer Somaliland ah oo gudo iyo debedba jooga, una badan dhalllinyaro ay kooxahaasi u qortaan kuwo u dagaalama .
Sifaha ama sasabaha ay kooxaha Al shabaab ku qortaan dhallinyaradaasi ayaa uun u badan kuwa diineed oo khubarada Alshabaab ay ugu ballanqaadayaan dhallinyaradaasi inay degdeg u gelayaan jannada haddii ay naftooda huraan, ama is qarxiyaan, fikradahaas oo ka fog dhaqanka diinta islaamka ee ku dhisan nabadda is taakuleynta iyo isa saamaxaadda.
Haddaba, markaad ka hadlaynno dhallinyaro, maaha oo keliya wiilasha kuwa Al shabaab u qortaan dagaalada, balse waxa ka mid ah gabdhaha da’da yar leh ama aan weli la guursan, kuwaasoo marka hore barashada diinta islaamka ka soo bilaaba xarumaha Al shabaab-ku da’yarta wax ku baraan, gaar ahaanna
madarasadaha, masaajidyada iyo machadyada.
Hablaha dhallinyarada ah ee Boorama laga kaxaysto ayaa ka mid ah tobannaanka aan tiradoodu sugnayn ee xoogagga Al shabaab ku sasabaha kala duwan kaga kaxaysteen Boorama iyo magaalooyinka kale ee Somaliland ama dunidda kalleba. iyada oo dhawaan qaar ka mid ah dhallinyaradaas, lagaga soo reebay magaalada Burco, iyadoo horena loo ogaa in tiro dhallinyarada reer Boorama ahi horeba xoogaggaasi ugu qorteen ciidammo, lana ogyahay in qaar badani ku dhinteen meelo kala duwan oo koonfurta Soomaaliya ah, kuwa kalena aan la ogeyn meel ay ku suganyihiin .
Markaan u soo noqonno hablaha dhallinyarada ah ee xoogaggaasi ka kaxaysteen Boorama ayaa inta badan ah kuwa waalidiintoodu aanay ogeyn ama aanay laba socon habdhaqankooda, waxbarashadooda iyo dhaqdhaqaaqoodaba, taasoao keentay in ay si fudud xoogagga Al shabaab afkartooda uga dhaadhiciyaa, ka dibna ka fogeeyaan waalidiintood marka la eego dhinaca afkaarta diinta.
Gabdho badan oo Boorama ka tagey, isla markaana aalidiintoodu waayeen meel ay u kicitimeen ayaa aakhirataankii waxaa ay gabdhahoodaasi ka hala jawaabo kala duwan oo ay aalidiintooda ugu sheegayaan meesha ay joogaan, shaqooyinka ay qabtaan iyo rajada ah inay dib u soo laaban doonaan iyo inkale .
In kastoon la wada ogeyn meesha wax ka socdaan iyo sida dadkan looga saaro Boorama ayaa marka dambe hadalhayntoodu badataa si hoosena la iskugu sheegaa waxa ku dhacay ganbbdho badan oo deriska ahaa iyo wiilal ku jiray dugsi hebel.
Sheeg sheegista magacyada waalidiinta ay ka baxeen hallinyaradaasi ama gabdhahaasi ayaa sidoo kale inta badan la gaabiyaa ama iyagu iska qarsada sheekooyinka ku dhacay gabdhahooda ay waayeen. Sida laga soo weriyay qaar ka mid ah hablahaasi, waxay sababo ka dhigteen marka hore inay gabadh heblaayo oo ay saaxiib yihiin ka shaqaynayeen arooskeedii, saddex maalmood iyo in ka bandanna loo qaatay inay la joogeen aroosadaha ay sheegeen, hase yeeshee wiig ka dib ayaa gabadha ka maqnayd waalidkaasi meel aanay magacdhabin uga soo sh eegtay inay ku sugan-tahay meel ammaan ah oo dad muslimiin ahi joogaan, una baahantahay inay aabaheed iyo hooyadeedba ugu yimaaddaan halkaasi, kuna wada noolaadaan abidkood. Waalidkaaasi oo la dhakafaarsan hadalka ka soo yeedhay gabadhooda ayaa markay gabdho kale ka maqleen sheeko kale, iyagu iska illoobay toodii, waxayna taasi dhacday markii gabadh lagu ogaa dugsiga sareee hebel waalidkeed loo sheegay in gabadhoodii la guursday oo loo kaxaystay meel ku
taalla gobolada dhexe, sidaa darteedna loo baahanyahay inay u hambalyeeyaan, iydoo waalidkaasi loo sheegay teleefanka laga heli karo cidda gursatay, waxana dadka guursaday gabdhaasi ku wargeliyeen inay waalidkeed la soo hadli doonaan, balse aalidkaasi taggo dal jaar ah si loo soo siiyo gabaatigii ama guntintii gabdhaha laga bixin jiray, kaddib markii mid ka mid ah waalidiintaasi tagey goobta lagu ballamay, isna dib uma soo noqon, balse waxa laga soo weriyay inuu farriin kale u soo dirtay Qoyskii kaga hadhay magaalada uguna tego meesha waalidkii hore ugu tegey gabadhooda,hase yeeshee doorkan may dhicin oo cidi kama daba tegin waalidkii iyo gabadhii laga guursadayba.
Sheekooyinkaasi iyo kuwa kaleba waxay ka mid yihiin uun sida xoogagga Al shabaab ugu guuleysteen ama ugu guleystaan sidii ay u helli lahaayeen xoog iyo dhallinyaro u dagaalanta iyo sidda ay maskaxda uga qabsadaan cid kastoola xidhiidha iyo wakiiladooda u kala jooga gobolada dalka.
Ugu dambayntii in kastoo ay yaraadeen wiilasha Al shabaabku ka qortaan Boorama, isla markaana tallaabooyin aan sidaa ubuurrayn ay ka qaadeen ciidamada amnigu, haddana waxa weli jirta khatar dhallinyarada gabdho iyo wiilalba ka haysata xoogagga Al shabaab.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Borame,S/Land