WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Ka dib markii todabaad yadii ugu danbeyay ay dowlada mareekanka si weyn ay ugu celcelisay in duqeymo ay ku garaacen waqooyiga gobolka wasiiristan ee dalka pakistan in ay ku dileen hogaamiyaha labaad ee ururweynaha alqaacida sheekh abu yaxya al libi ayaa hada arinkaasi waxa wax kama jiraan ku tilmaamay abu yaxya oo canjal video muuqaal ah soo dhigay bar in ternet ka ay ku leeyihiin alqaacida.
hogaamiyaa labaad ee alqaacida abu yaxya allibi ayaa waxa uu filimka soo bandhigay uu uga hadlay xaaladaha ka soo cusboonaaday dalka suuriya oo baryahii dhawaa hadal eynta ka taagned ay aheyd in alqaacida ay saldhigyo muhiim ah ay ku leeyihiin alqaacida.
filimka video ga ayaa qiyaastii socanaya ilaa 15 daqiiqo kaasi oo si aan ka leelexad laheyn uga hadlay xaalada suuriya iyo talaaabooyinka alqaacida uga qorsheysan dalalka hada dagaalka toos ka ah ay kula jiraan dowladaa ka biya diidsan in dalalkooda ay magan galyo ku sii ahaadan.
muuqaalkani ayaa wax kama jiraan ku tilmaamaya hadal horaantii bishani june ay faafiyen afhayeeno u hadlay dowlada mareekanka gaar ahaan afhayeenka aqalka cad ee dalka mareekanka kaasi oo sheegay in abu yaxya al libi in uu ku geeriyooday duqeyntii gobolka wasiiristan ka dhacday 4 tii bishani june oo ay ku beegned maalin nimo isniin ah.
si kastaba ha ahaate abu yaxya al libi waa hogaamiyaha labaad ee ururweynaha alqaacida iyadoo hogaamiyaha koowaad uu yahay ayman alzawairi kaasi oo xilka hogaamiyaha koowad loo doortay tan iyo markii bishii may 2 sanadii 2011 qeyba ka tirsan dalka pakistan lagu dilay hogaamiyahii ugu sareyay alqaacida ee sheekh osama bin ladin