WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Xukuumadda Ra’isul wasaare Gaas oo uu hoggaaminayey wasiirka ganacsiga ahna kusimaha Ra’isul wasaaraha C/wahaab Ugaas Khaliif ayaa la kulmay odayaasha dhaqanka ee laga doonayo inay soo xulaan ergada ansixinta dastuurka cusub ee Soomaaliya kuwaas oo muddooyinkan uu shir uga socday magaalada Muqdisho.
Shariif Axmed oo la hadlay odayaasha ayaa sheegay inay beryahaan soo bateen wararka sheegaya in odayaasha dhaqanka ay ku jiraan kuwo aan sax aheyn oo la sameeyay, wuxuuna Madaxweynuhu sheegay inaysan jirin oday la sameyn karo, wuxuuna yii mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Beryahaan waxaa soo badanayey wararka sheegaya in odayaasha dhaqanka ay ku jiraan kuwo la sameeyay, war suldaan qofi ma sameyn karto, anigu ma dooran karo siyaasi, waayo Suldaanku wuu ka weyn yahay siyaasiga”.
Madaxweynuhu wuxuu qiray inay jiraan boosas ay dad ilmo adeer ah isku heystaan, balse aanay jirin salaadiin gacanta lagu sameeyay oo odayaasha ku jira, isagoo ku daray hadalkiisa in odayaasha laga doonayo haddii ay jiraan odayaal aan sax aheyn oo ku dhex-jira inay sheegaan si ay maantaba ay albaabka uga saaraan.
“Innagu wax dhibaato ah uma aragno in ugaaskii dufuur awgeed u imaan waayey shika uu soo dirsado wakiilo”, ayuu yiri Madaxweyne Shariif oo ka dalbaday odayaasha in looga baahanyahay inay arrintaas dadka ka shaafiyaan, maadaama ay yihiin dadkii ummadda ka shaafin lahaa si looga fogaado ceeb.
Dhinaca kale Madaxweynaha dowladda KMG wuxuu odayaasha ka dalbaday inay soo qoraan ergadii ansixin laheyd dastuurka cusub ee Soomaaliya, isla markaasna soo xuli lahaa Xildihbaanadii bedeli lahaa kuwa hadda shaqeynaya, isagoo ku adkeeyay inay soo xulaan mas’uuliyiin howshooda ka soo bixi kara, wuxuuna yiri mar uu arrimahaasi ka hadlayey “Mas’uuliyad taariikhi ah ayaa idin saaran waayo 100-sano ka dib waa la idin xusi doonaa, waxaana la dhihi doonaa Soomaaliya markii ay dhibaatada ka baxeysay waxay qaadatay nidaamkaas oo odayaasha-dhaqanka ayaa soo xulay ergadii ansixin laheyd dastuurka iyo Xildhibaanada, waxaana ka dambeeyay dowlad fiican iyo wixii la mid ah” ayuu yiri Madaxweynaha dowladda KMG Soomaaliya.
Madaxweyne shaiif mar uu ka jawaabayey su’aalo ay Odayaasha Dhaqanka soo weydiiyeen gaar ahaan su’aalo kala ahaa anaga maxaan nahay? shaqada nalaga rabase maxay tahay ayuu yiri” Idinku waxaad tihiin Odayaashii Dhaqanka ee hogaanka u ahaa Bulshada waxaana la idinkugu talagalay inaad soo xushaan ergooyinka ansixin doona Dastuurka cusub, isla markaasna soo xulaya Baarlamaanka cusub ujeedaduna waxay tahay inaad matashiin Soomaali oo dhan, aadnna ogaatiin in ergada aad soo xuleysaan ay dastuurka ansixin doonaan”.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya