Shabakada Al-Qaacida Oo Sheegtay Qarax Ismidaamin Ah Oo Lagu Dilay Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Yemen In Uu Fuliyey Wiil Soomaali Ah

0
447

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)

War ay soo saareen kooxdaas Ansaaru Shareeca oo lagu daabacay bog ay ku leeyihiin internetka ayey ku sheegeen in ninkaasi Soomaaliga ah uu ka tirsanaan jiray xoogaga Al-shabab ee dalka Somalia hase ahatee mudooyinkii ugu dambeeyey uu ka mid ahaa dagaalyahano Soomaali ah oo ku biiray kooxda Ansaaru suna ee dagaalka kula jirta ciidamada dowlada Yemen.

Wararka Ayaa Intaasi Raacinaya In wasaaradda Gaashaandhigga ee Dowladda Yemena lagu sheegay in Gen. Saalim Cali Qatan shalay lagu dilay magaalada Cadan ka dib markii uu isku qarxiyey dagaalyahan Sooomaali ah oo Al-qaacida ka tirsan.

Taliyihii ciidamada Yemen u qaabilsanaa la dagaalanka Kooxda Al-Qaacidada dalkaas Jen. Salem Ali Qatan ayaa shalay geeriyooday markii kolonyo gaadiid ah oo uu la socday lagu dhuftay gaari nooca raaxada ah oo waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey kaasoo uu waday nin naftii hure ah, waxaana halkaas ku gubtay sadex gaari oo uu ka mid ahaa kii uu ku jiray Jen. Salem.

Manta Ayaa shir jaraaid Waxaa Ku qabtay magaalada Sanca ee dalka Yemen Madaxweynaha dowlada Yemen Wuxuuna Xusay in qofkii shalay fuliyey weerarlii lagu dilay Jen. Qatan uu ahaa nin soomaali ah, isagoo xusay in arintaas ay dhaawacici karto kalsoonida lagu qabo kumanaanka soomaalida ah ee ku nool dalkaas.

Balse Arintaani Ayaa Wal Wal Iyo Walaac ku Abuutay Shacabka Soomaalida Ah Ee Ku Dhaqay Dalka Yemen Iyogoona KA Baqdin Qabo In Ay Dhibaatooyin U Gestaan Ciidamada Dalkaasi Yemen

Wararka Soomaaliya (Wakaalada Wararka Soomaaliyeed Ee Warsom)