WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
saraakiil ka tirsan Xarakada raskamboni oo shaaca ka qaaday in ay dhankooda isugu soo dhiiben saraakiil ka tirsan xarakada alshabaab ee degmada afmadoow ee gobolka jubada hoose.
Maxamed maxamuud sayid carab oo ka tirsan saraakiisha raaskamboni ee degmada afmadow ayaa sheegay in uu isugu soo dhiibay sarkaal uu magaciisa uu ku sheegay cabdi kariin maxamed yuusuf.
Sarkaalkani ka tirsan raaskambooniyiinta ayaa waxa uu intaa raciyay in markii uu isugu soo dhiibayay ay la socdeen ilaa iyo sadex gaadiid oo nooca dagaalka hase yeeshe markii ugu danbeysay ay la socdeen ilaa laba rag oo ilaaladiisa ah.
Waxa uu intaa ku daray in ay xuriyda siinayan sarkaalkani ka soo goostay xarkada alshabaab ee dagaalka ay kula jiraan dowlada KMG soomaliya Ciidanka Kenya iyo raaskambooni.
Sargaaalkani ayuu sheegay in uu yahay qof ay garanayaan isla markaana hadii uu doonayo in uu ku laabto degmada afmadow iyo hadii uu doonayo in uu aado doobley in taba ay raali uga yihiin xorna uu uyahay in uu doorto dhinacii uu doonayo in uu ku biirro sida uu hadalka u dhigay maxamed maxamuud sayd carab oo ka tirsan saraakiisha amaanka ee raaskambooni kuna sugan degmada afmadow ee gobolka jubada hoose.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.