Sarkaal Ka Tirsan Dalka Turkiga Oo Beeniyey In Ra’isal Wasaare Ku Xigeenka Turkigu Gaaray Somaliland.

0
1156

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Madaxa qaybta warbaahinta ee wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga Mudane Selcuk Unal ayaa isagoo u waramaayey maanta Telefishanka Press Tv ee dalka Iran wuxuu ka waramay dedaalka dalka Turkigu ugu jiro sidii Soomaaliya usoo ceshan lahayd dawladnimadii, kala danbayntii iyo nabagelyadii.

Selcuk Unal wuxuu sheegay in Shirka Turkigu oo ay ka qayb galleen in ka badan 57 Dawladood lagu lafa-guraayey sida ay beesha caalamku wax ula qaban karto Soomaaliya wuxuuna sheegay in fursaddaasi tahay mid dahabi ah oo ay u taallo Soomaalidu siday uga faa’iidaysanayso.

Barnaamijka lagu weraysanaayey Selcuk Unal oo ahaa mid dadku ay si toos ah su’aalo ugu soo weydiinayeen khadka telefoonka ayaa waxaa ay u suurtagashay Tafatiraha shabakadda Halbeegnews inuu su’aal ku weydiiyo Mudane Selcuk
Unal su’aashaasi waxay u dhignayd sidani ” Waxaa shirka Istanbul ee 1 June ka qayb gallay wefdi ka socda Jamhuuriyadda Somaliland oo sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka madax banaantahay Soomaaliya inteeda kale, wefdigaasi ma waxaad u martiqaadeen iyagoo ah dal ka madax bannaan Soomaaliya? Su’aashayda labaad waxaa weeyi sida Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegay waxaa booqasho rasmi ah ku tagi doona magaalo madaxda Somaliland ee Hargeysa arrintaasi ma xaqiijin karta?

Mr. Selcuk Unal wuxuu ku jawaabay sidani “Shirka Istanbul wuxuu ahaa mid loo qabtay Soomaaliya, Turkiguna ma aqoonsana inay Soomaaliya kala go’do waxaanu mar walba jecelahay inay Soomaaliya mid ahaato oo soo ceshato
sharaftii ay dunida ku lahayd, haa waa dhab waa jirana Wefdigaasi waxaana ay qayb ka yahiin dedaaladda la doonayo in Soomaaliya sharafteedii lagu soo celiyo, Turkiguna waxaa ka go’an inuu gacan ka gaysto dedaaladdaasi,
su’aashada labaad ee ah Ra’isal wasaare ku xigeenka Turkigu oo ku tagaya halkaasi (Somaliland), intaan ka ogahay waxaa weeyi in dhawaan Wefdi uu hogaaminayo Ra’isal wasaare ku xigeenku ay mari doonaan Soomaaliya waxaan ogahay oo keliya inay Muqdisho tagayaan, waana suurtagal inay kormeeri doonaan mashaariicyada Turkigu ka wado gobolada dalka intiisa kale sida Somaliland, Puntland iyo intii uu suurtagasha, laakiin ma ogi wefdi si gaar ah u tagaya Somaliland, umana malaynayo inuu jiro ” ayuu ku jawaabay.

Arrintani ayaa cakis ku ah hadal uu Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Maxamed Cabdilaahi Cumar u sheegay HCTV mar uu weraysi siinaayey in dhawaan uu dalka si gaar ah u imanayo Ra’isal wasaare ku xigeenka dalka Turkigu taasi oo noqonaysa mid been ah.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/land