Saraakiisa Ciidamada TFG-da Oo Shcabka u Sheegay ciddi Lagu arko Hub in maxkamad La soo taagi doono.

0
606


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Saraakiisha dowladda TFG-da oo soo Saaray awaamiir lagu mamnuucayo hubka Sharci darada ah ee lagu isticmaalo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada hoose, oo ay dhawaan gacanta ku dhigeen ciidamada dowladda oo Garab ka helaya Kuwa AMISOM .

Digniintan ayaa waxaa si wadajir ah ugu dhawaaqeen guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, G/sare Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab), iyo afhayeenka booliiska. Jen. C/llaahi Xasan Bariise iyo taliyaha gobolka Banaadir, Jen. Axmed Xasan Maalin xilli ay ku suganayeen Munaasabad Ka Dhacday degmada Afgooye.
“Maanta wixii ka dambeeya lama arki karo qof hub ku dhex-wata degmada Afgooye oo aan ka ahayn guutada lixaad ee ciidamada milateriga Soomaaliya, booliiska iyo cidamada nabadsugidda,” ayay saraakiishan ka sheegeen shir jaraa’id oo shalay ay ku qabteen degmada Afgooye.

Saraakiishu waxay sheegeen in ruxii lagu qabto isagoo hub ku dhex-wata gudaha degmada oo aan ciidamada ku sugna ka mid ahayn in la ciqaabi doono, inkastoo aysan sheegin ciqaabta nooceeda.
“Ciidamada dowladda waxaan uga digaynaa inay gaadiidka lacago ka qaataan, qofkii lagu helo isagoo lacago baad ah qaadanaya waxaa la horgeyn doonaan sharciga. Waayo innagu ma aqbali karo in fowdo aan fowdo ku bedelno,” ayuu yiri Col. Muun-gaab.

Degmada Afgooye oo ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa dhawaan la wareegay ciidamada dowladda KMG ah iyo kuwa AMSOM oo isgarabsanaya, iyadoo ay dhowr jeer ka dhaceen iskahorimaadyo u dhexeeya ciidamada dowladda.
Guddoomiyaha maxkamadda qalabka ayaa wuxuu shalay maxkamad ka furay degmadaas, isagoo sheegay in maxkamaddaas ay xukumi doonto askarta dowladda ee dambiyada lagu helo.