Cuqaasha ,Salaadiinta ,Waxgaradka iyo aqoonyahanadda Beesha galbeedka Burco ee gobolka Togdheer ayaa si aqlabiyad ah u taageeray shirweynaha aayo ka tashiga beelaha Habar-yoonis ee bariga Sanaag ka furmi-doona 29-ka bisha JUN wakhtigaas oo ay hore u iclaamiyeen gudiga Qaban-qaabada shirkaasi.
Shir balaadhan oo shalayto beesha galbeedka Burco iyo gudigaga qaban-qaabada shir weynahani iskugu yimaadeen beerta Xaaji. Axmed Qulunbe ee magaaladda Burco ayaa si wadajir ah iskugu raacay wakhtiga shirkaasi loo cayimay isla markaana kharashaadka shirweynahaasi ku bixidoona ayaa qaybo ka mid ah lagu bixiyay goobtaasi.
Afhayeenka beelaha Habar-yoonis bari oo kana mid ah gudiga qaban-qaabada shirkan Maxamuud Dirir Xasan oo ugu horeyn xafladaasi ka hadlay ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa “Anagu ,anagoo ah gudigii bari ka soo jaan-qaaday ee hugaaminaysay qaban-qaabada shirka.Shirkaa markii u horeysayba Burco-aanu keenay waana nalala qaatay waanaynu isla ogayn ,Hargeysaanu gaynay hormuudka beeshu Boqolkiiba Boqol way nala aqbaleen ,waraaqo ay arinkaas ku cadyahayna waanu haynaa inkastoo ay qaar ka mid ah beeshu nagu yidhaadeen ay wakhtiga dib u yara dhigno.Sidaa awgeed waxaanu maanta halkan ka cadaynaynaa Burco u sheegaynaa ,Ceerigaabo u sheegaynaa ,Debedaa ogaysiinaynaa Hargeysa ogaysiinaynaa shirku waxa uu qabsoomayaa ama uu si toos ah u furmayaa 29\6\2012 ,bishan Jun ee aynu ku jirno waxaana shirkaasi ujeedadiisu tahay in reerka lagu mideeyo dhexdiisa iyo taladiisaba oo xeer Ciise ka soo baxo “ Sidaasi ayuu afhayeenku hadlkiisa kaga baxay.”
Guudoomiyaha gudiga qaban-qaabadda shirweynaha beelaha Habar-yoonis Naasir Cali Jaamac oo isna halkaasi ka hadlay ayaa Xukuumadda ujeediyay in aaney shirkaasi ka shakiyin. Waxaanu yidhi “ Waxaanu marlabaad halkan ugu cadaynaynaa Xukuumadda shirkaasi in aanu ahayn shir qaranka lagu duminaayo
,ama cid gaar ah loogu tashanaayo ,xisbiyana lagu taageeraynin ,waxaan leeyahay shakiga iska saara ,shirkayagu waa shir nabad-gelyo ,sidaa beeluhu u shireen ayaanu u shiraynaa.”
Chief Caaqil Axmed Maxamed Daahir oo ah jiif caaqilka guud ee beelaha galbeedka Burco oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay shirweynahan Habar-yoons ee bariga Sanaag ka furmi-doona 29-ka bishan Jun ee aynu ku jiro waxaana hadaladiisii ka mid ahaa “ Mudada shirku qabsoomaayo waxa iska leh gudiga qaban-qaabada shirka waanay sheegeen oo waa 29-ka bisha waananu la qaadanay hadaanu nahay Habaryoonista gobolka Toggdheer,” ayuu Axmed Maxamed Daahir hadalkiisa kaga baxay.
Xil. Jaamac Xasan Aaadan oo ka mid ah golaha wakiiladda Somaliland oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa soo dhaweeyay mudada uu shirkaasi qabsoomaayo iyo gudiga qaban-qaabada shirkaasi waxaana hadaladiisii ka mid ahaa .“Iyadoo haba-yaraatee aaney jirin qof beeshan ka tirsan oo diidani in ay shirto hadana ciladu markii hore waxay ka taagnayd xiliga uu qabsoomaayo iyadana waxa fiican sida aqlabiyadu noqoto in aynu taageero ,sidaa awgeed maadaama Aqlabiyadii beeshu maanta halkan Burco fadhido oo ay taageertay shirku in uu qabsoomo 29-ka bishan Jun waanu taageeray ,anigoo ku hadlaaya afka beesha Ilaa Barbera iyo ilaa Burco.”
Waxa kale oo iyana halkaasi ka hadlay oo ka mid ahaa beesha galbeedka Burco oo taageeray shirkaasi wakhtiga uu qabsoomaayo ee 29-bishan dhamaadkeeda Suldaan Maxamed Faarax X. Yuusuf ,Caaqil Baashe C\laahi Muuse ,,Caaqil Cali Kidiye ,Caaqil Aaadan Axmed Naaleeye ,Caaqil maxamuud Cabdi Yuusuf (Dalqao) ,Caaqil Maxamed Biixi-wacays iyo Xasan Xuseen Waxaaney usoo jeediyeen qurbajooga beesha iyo dadka waxgaradka ah-ba in ay shirkaasi taageeraan xiliga uu dhacaayo ee ay gudiga qaban-qaabadu go’aamiyeen .
Geesta kale Beesha Cali-Siciid ee Habar-yoonis ayaa shirkaasi kaga dhawaaqay in ay bixi-nayaan qaybo-ka mid ah kharashaadka ku bixi-doono shirkaasi ,gaar’ahaan cuntooyinka iyo sharaabka ergooyinka mudada uu socdo.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land