Safarkii Madaxweyne Shariif Ee tanzanian Oo looga Hadlay Xaalada Soomaalida Tanzanian Ku Sugan

0
500

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Safiirka soomaaliya u fadhiya dalka Tanzanian ayaa kulamo la qaatay madaxweynaha DKMG ah ee soomaliya oo gaaray dalkaasi.

 

Cabdi xakiin oo ah safiirka dowlada Tanzanian ayaa waxa uu sheegay in kulamo ay wada qaaten madaxda labada dale e Tanzanian iyo soomaaliya iyagoona sidoo kale isla hadal qaaday arimaha roadmap ka soomaaliya.

 

Madaxda labada dal ayaa isla soo hadal qaaday xariga lagula dhaqaaqaya soomaalida martida ku ah dalka Tanzanian oo inta badan madaxda labada dal kulamadooda ay ku soo idlaaden qaabkii loo baahna.

 

Safiirka soomaaliya ee dalka Tanzanian cabdi xakiin ayaa waxa uu sheegay in ay socdaan dadaallo lagu doonayo in dowlada Tanzanian ay wado qorshe lagu doonayo in taagerro ay u fidiso dowlada federalka KMG ah ee soomaaliya.

 

Shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Tanzanian ayaa ah kuwa ay iska liidato xaalada ay ku nool yihiin ee ku aadan dhinaca nolosha waxaana gaabis ah gargaarada baniaadmi nimo ee ay helaan shacbiga soomaaliyeed kuna dhaqan dalka Tanzanian.

 

Madaxweynaha soomaaliya sheikh shariif sheikh axmed ayaa maalmahii la soo dhaafay waxa uu ku guda jiray safarro uu ku marayay dalalka caalamka ee ay ku noolyihiin shacbiga soomaaliyeed kuwaasi oo uu la qaatay qaar kood kulamo uu ugu kuur galayo xaalada ay ku noolyihiin.

 

Xafiiska warqabadka warsom.com

muqdisho,somaliya