Odayaal dhaqameedkani oo laga soo kala xulay beelaha wada dega gobolka hiiran ee gudaha dalka soomaaliya ayaa la sheegayaa in ilaa iyo saddex maalmood simanaar socondoona in lagu soo tababari doono habka ay kula saqeyndoonan ciidanka ka socda dowlada jibuuti ee hada ku sugan gobolka hiiran gaar ahaan magaalada baladweyn.
odayaasha ayaa lagu wadaa in uu hogaamiyo gudoomiyaha gobolka hiiran ee maamulka DKMG ah ee soomaaliya odayaasha ayaa la sheegayaa in saakay aroortii in ay u ambabaxeen garoonka diyaaradha ee waabari airport ee magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiran.
tirada guud ee odayaasha ayaa lagu sheegay 15 oday dhaqameed oo la soo bari doono sida ay la shaqeyndoonan ciidanka dowlada jibuuti ka socda ee qeybta ka ah ciidanka nabad ilaalinta ee midowga africa ay ugu talagaleen in ay ka howlgalaan gudaa dalka soomaaliya.
waa markii ugu horeysay oo odayaal noocani oo kalaa laga qaado magaalada baldweyn loona qaado magaalada jibuuti.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somali