Ra’iisul wasaaraha dalka Kenya, Raila Odinga ayaa sheegay maanta in ka codsanayo Mareykanka iyo ururka Midowga Yurub inay ka caawiyaan qorshaheeda dagaal ee ay ku doonayso inay ku qabsato magaalada dekedda leh ee Kismaayo oo xarun u ah gobolka Jubbada Hoose.
Raila Odinga ayaa sheegay in ciidamada Kenya ay qorsheynayaan dagaalkii ugu dambeeyay oo ay ku doonayaan inay ku qabsadaan degmada Kismaayo ee gobolka Jubbad Hoose ka hor inta aan la gaarin bisha Ogoosto ee sannadka.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa gacanta ku haysa Al-shabaab oo la sheegay inay ka hesho dhaqaalaha ay ku dagaalamayso, iyadoo afhayeenka Al-shabaab uu ka sheegay Kismaayo inay difaacan doonaan tan iyo inta uu dhimayo midkooda ugu dambeeya.
“Iyadoo aan gacanta lagu dhigin Kismaayo aad ayay u dhib badnaanaysaa in laga adkaado Al-shabaab,” ayuu yiri Odinga oo wariyeyaasha kula hadlayay Nairobi, isagoo intaas ku daray. Isagoo intaas ku daray in ciidamadooda ay waqti badan ku qaadanayso inay dhaqaaqaan waayo waxaa halkaas ku sugan dad badan.
Ra’iisul wasaaraha Kenya wuxuu sheegay inay dalka Mareykanka weydiisteen lacag taageero ah oo ay ku howgalaan. “Mareykanka horay ayuu u sheegay inay kaalmo u fidinayaan ciidamada Kenya marka ay si rasmi ah uga mid noqdaan AMISOM, waxaana ciidamadeennu ay bishan horraanteedii si rasmi ah uga mid noqdeen howgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya.”
Hadalka ra’iisul wasaaraha dalka Kenya ayaa imaanaya iyadoo ciidamada dalkaas ay ku biireen AMISOM toddobaad ka hor, sidoo kalena uu maalin ka hor shil diyaarad ku dhintay wasiirkii ammaanka gudaha Kenya iyo ku xigeenkiisii.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Nairobi,Kenya.