Ra’iisul Wazaarihii Hore ee Soomaaliya Farmaajo oo Sheegay in uu Ku soo Wajahan yahay Magalada Muqdisho.

0
533


WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Ra’isul Wasaarihi hore ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa sheegay in dhowaan uu ololihiisa Siyaasadeed ka bilaabi doono magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, isagoo ka hadlayay magaalada Kampala ee dalka Uganda oo uu iminka ku sugan yahay,wuxuu sheegay in dhowaan uu rajeynaayo in dalka uu kusoo laabto.

Farmaajo ayaa intaas ku daray in dhamaadka Xilliga KMG ah usoo dhowaaday sidaas darteed uu tegi doono Muqdisho si uu usii wado Ololihiisa Siyaasadeed uu kasoo bilaabay Qaaradda Europe.

Ra’iisul Wasaarihi hore ee Soomaaliya ayaa Kampala kula kulmay Jaaliyadda Soomaaliyeed ee halkaas ku dhaqan oo uu usoo bandhigay ololihiisa Siyaasadeed.
Maxamed C/laahi Farmaajo ayaa tartan ugu jira kursiga madaxtinimada Soomaaliya oo la filaayo in loo tartamo bisha August,waxaana bilooyin kahor uu ku dhawaaqay Xisbiga TAYO.