Raiisal wasaaraha xukuumada KMG ah ee soomaliya Dr cabdiwali maxamed cali gaas ayaa waxa uu ka codsaday in ay soo dedejiyan odayaasha dhaqanka ee ku kulansan magaalada muqdisho soo xulista ergada ansixin doonto dastuurka cusub ee ay soomaaliya ay yeelaneyso.
Riisalwasaaraha iyo xubna ka tirsan golahiisa ayaa manta waxa ay booqdeen madasha ay ku kulansan yihiin odayaasha la filayo in ay soo xulaan cida ansixin doonto dastuurka soomaaliya ay yeelandoonto xili muran baahsan uu ka taagan yahay qaar ka mida qodabada qaar eek u jira dastuurka cusub ee la filayo in soomaaliya ay yeelato.
Odayaasha dhaqanka ee magaalada muqdisho ku kulansan ayaa la filayay in ay soo bandhigaan ergada ansixineysa dastuurka cusub hase ahate aanay taasi suura galin.
Raiisalwasaaraha soomaaliya ayaa xiligani waxa uu kulamo la leeyahaya qaar ka tirsan odayaasha dhaqanka ee magaalada muqdisho ku sugan kuwaasi oo ay ka wada hadlayaan habka ugu suura galka o gee lagu soo xuli karro ansixiyaasha dastuurka.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.





