WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM
Maalmahanba waxaa si isdaba jooga uga socday Hoolka Shirarka ee (Sayid Maxamed C/Xasan) Qiimayn Sal iyo Baara oo lagu lafagurayay waxqabadkii shaqo ee dhamaanba xafiisyada,kulliyadaha iyo mashruucyada heer-deegaan 9kii bilood ee la soo dhaafay.
Waxaa hubaala in Qiimayntani ay kaga duwanayd Qiimaynihii Hore Wakhtiga-Salmugii,Dhab u Xaqiijinta Waxqabadkii Qorshaha,cadcadaanta,cadaalada,Bayaaminta Qorshaha-Miisaaniyadeed iyo
Nidaamka Xilgudashada daacadnimo ee ka go’naanshaha masuuliyiinta,waana Qiimayntii ugu horaysay abid ee ay Xukuumadu ku Shaybaadho Xaqiijinta Heerka Waxqabadka Xafiisyada Heer-Deegaan ee ka Dhacda Dowlad DegaankaSoomaaliyeed Itoobiya.
Dhanka kale madaxweynaha DDSI ayaa Sal mugii inta badan Qiimayntan u daadihinayay,islamarkaana halbeega uu ku cabirayay heerka waxqabadka xafiisyada heer-Degaan uu ahaa I Tus oo I Taabsii “mashruuc-mashruuc”(Single Project Activity) taasoo ay bar-bilow
Qiimayntani u ahayd Physical And Financial Activities,Qorshihii yaalay iyo Miisaaniyadii loogu talo galay Fulinta Qorshaha.
Lafagurida Heerka Waxqabad ee Xafiisyada iyo Masuuliyiintooda ayaa ay Qaarkood Dacar kaga khadhaadhayd kuna Tawaawacayay “Maan yax i Dhaahdo Markay Waxqabad u Baahnayd”,Halka
Qaar ka mida Masuuliyiinta Xafiisyaduna ay Amaan iyo Badhi-Gantaalid Sii Dardargalin Waxqabadka ay Muujiyeen kala Hoydeen Golihii Qiimayneed ee loo wada dhanaa. Hadaba iyadoo Shalay la Qiimeeyay Xafiisyada ay ka mid yihiin Xafiiska Horumarinta Jidadka Miyiga iyo Magaalooyinka DDSI oo isaga aad loogu amaanay waxqabadkuu muujiyay xafiisku halka kuliyada caafimaadka jigjigana aad loo dhaliilay.
Galinkii Hore ee Maanta ayaa laguda galay xaqiijinta dhagaysiga warbixinta waxqabadkii kuliyada waxbarshada macalimiinta ee Dr cabdimajiid xuseen waxaana soo jeediyay warbixintii kuliyada madaxa kuliyada mudane Wacaysa markii la dhagaystay warbixintii kuliyada ayaa waxaa su-aalo la xidhiidha warbixinta uu gurigu wax ka waydiiyay, waxaana si hufan uga jawaabay mudane wacays.
Waxayna ka mid noqotay kuliyadaha ku fiican dhinicii qiimaynta Isla saaka galinkii hore waxaa la qiimeeya xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta HIV AIDISKA waxaana soo jeediyay warbixinta xafiiska mudane maxamed( shariifka ) ka dib Dhagaysigii warbixinta xafiiskana laga waydiiyay Su’aalo.
Dhanka kale Waxaa isla saaka galinkii hore la guda galay dhagaysiga warbixinta wax-qabadkii
xafiiska arimaha haweenka, dhalinyarada iyo dhalaanka,halkaasoo uu warbixinta waxqabadka xafiiska uu soo jeediyay ku xigeenka madaxa xafiiska mudane Rashiid Bacdar waxaana su-aalo uu guriga waxka waydiiyay heerka warbixinta,islamarkaana uu ka jawaabay mudane Rashiid Bacdar Isku soo wada Duuboo Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Xafiisyada heer-deegaan ee Maalmahanba
Socday ayaa Soo gabagaboobay Duhurnimadii maanta,iyadoona uu Shirkan uu Hogaaminayay Soonaq xidhay Ku-xigeenka Madaxwaynaha DDSI ahna Madaxa Xafiiska Caafimaadka DDSI, Mudane C/fataax Maxamuud Xasan,isagoona si Qoto-dheer uga faalooday heerka ay xukuumadu ka taagan tahay Ka Midho dhalinta Hindisayaasha Horumarineed ee Bulshada,islamarkaana Quud dareeyay Shaqsiyaadka Xilka umadeed loo dhiibay ee Dayacay Waxqabadkii looga baahnaa,halka uu Masuuliyiintii Xafiisyada Waxqabadka muujiyayna uu ku booriyay in aynan ka Xagal-daacin Sii ambaqaadida Waxqabadka Bulshada.
Ugudanbayntii ayaa uu Madaxweyne ku xigeenku idmay in uu Shirkii Qiimaynta Waxqabadka Xafiisyada Heer-deegaan ee Todobaadka socday la soo ebyay,lana gali doono dhamaystirka Qorshayaasha Waxqabad ee sanadkan 2004TI.
Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Boorame,S/Land.