Xukuumadda Maanta jirta ee Somaliland ee innagu furtay albaabkii Somaaliya
ee aan ku jebinay qufullada adag labaatan Sanno ka hor, iyaddoo u xilanaysa
dhaqaale hawada heehaabaya oo Sacabada loo saaro oo horumar iska daayo aan
xataa tuulo ka mid ah Somaliland gaato tiri Karin, waxa looga baahan yahay
in ay Shacbiga u soo bandhigto qorshe cad oo la xidhiidha wada hadallada
Somaliland iyo Somaaliya.
Arrimaha durba mugdiga la geliyey doonistii Qaranimada Jamhuuriyadda
Somaliland waxa ka mid ah, Xukuumadda oo inta ay dhex fadhiisatay Shirarka
arrimaha Somaaliya ee uu kow ka yahay ansixinta Dastuurka la wad-wado ee
qodobadiisa ugu muhiimsan ay ka mid yihiin waxa ay ugu yeedhaan
Muqadasnimada Somaaliya, kaasoo aanay marnaba ku gacan saydhin xubnaha
Xukuumadda ee ka qeybgala Shirarka lagaga hadlayo arrimahan. Sidaa darteed
waxan odhan karnaa ka aamusiddu waa oggolaansho, welibana waxa markhaati ka
ah kuwa daneeya arrimaha Somaaliya ee gacanta loo geliyey xal u helidda
Somaaliya.
Si kastaba ha ahaatee Somaalidu waxa ay tidhaahdaa “Caano daatay dabadood
la qabay”, sidaa awgeed waxa haatan la hadal hayaa in wada hadallo fool ka
fool ahi Somaliland iyo Somaaliya ku dhex mari doonaan Boqortooyada
Ingiriiska dabayaaqada bishan, waana fursad labaad oo Somaliland kaga gudbi
karto dabacsanaanta ka muuqata tan iyo intii ay kasoo baxday Shirkii London
inay wada hadlaan Somaliland iyo Somaaliya.
Xukuumadda Somaliland si mawqifkooda wada hadalku u noqdo mid adag oo aan
lahayn leex-leexad oo ku saleysan xuquuqda ummadaha adduunka ee rabaaniga
ah iyo xuquuqda kale oo ah tii inaga dhexeysay iyo tii uu burburiyey
Rajiimkii ay kaalintiisa fadhiisteen Sh. Shariif iyo kuwii ka horeeyey,
haddii kale oo sida hadda socota uu furitaanka wada hadalku ku bilowdo,
waanu la noqonay Madax-bannaanidayadii aanu lixdankii idiin keenay iyo lama
noqonaysaa ee wixii kalee aad doonaysaan sheegta aan ka wada hadalnee,
markaaba lagaa guuleysay, waana sida ay wax u wadaan Nimanka magaca mooyee
cid ay maamulaan oo oggoli aanay jirin, balse aynu hadda u noqonay
naruurada keliya ee ay ku faanaan.
Horaa loo yidhi “Lax weliba Shinkay is dhigtaa lagu gowracaa’.Maanta maaha
maalin aynu labaatan Sanno iyo dheeraad kadib, inta aan oggolaano wada
hadal ina dhex mara Dawladda TFG-da ama kuwa kale ka dambeeya ee aan cidna
metelin, in haddana u il-duufno wax kasta oo aynu xaq u leenahay in la
innaga daw-mariyo, weliba ku darsadoo maxaad ka filaysaa cidda aad
hor-fadhiisanayso oo ah kuwa ilaa Maantadaa aan joogno kuu quudhi la’
halgankii aad ogeyd wixii kaasoo gaadhay sida xabaalaha Xasuuqa ee weliba
sii qoyan ee ka dhacay Gobollada badankooda isla markaana ka bilaaba
taariikhdii halganka 1991-kii.
Tallo ayaa lagu meel maraa ee waxan u soo jeedinayaa Xukuumadda ku maqiiqan
wada hadal iyo dhex fadhiisiga Shirarka Somaaliya ee aan wax innooga cabbaa
jirin inay iska dhaafaan fudeydka iyo deg-degga oo haddiiba ay fureen
albaabkii aynu iska xidhnay ee Somaaliya, in mawqifkoodu ahaado mid ka adag
ka hadda oo ku saleysan xuquuqda ka maqan Somaliland oo Irbad laga tagayn,
kana sii bilaabmeen xaqa aayo ka tashiga iyo la soo noqoshada xorriyadii uu
dalkani ka qaatay Maxmiyadii Ingiriiska 26-kii June 1960, balse la gashay
Somaaliya midowgii bilaa meherka iyo bilaa shuruuda ahaa ee 1dii July,
1960-kii, hana iska iloobaan erayga nagu kiciya Cadhada badan ee ah dib
noogama noqon kartaan sidii oo ay iyagu ina leeyihiin, hana ogaadeen in
xoog, qoor-qabasho iyo wax kale toona dib la noogu celin Karin midowgii
hadduu aanay ku iman doonistayada.