Prof.maxamed cumar dalxa oo ka tirsan mudanayaasha baarlamanka soomaaliya ayaa waxa uu ka hadlay munaasabada 26 june ee xalay ay ku beegneed calan saarkii gumeysi dajinta sarana loo qaaday calanka soomaaliyeed.
Dalxa waxa uu sheegay in soomaaliya ay soo martay marxalado kala duwan oo ku asteysan munaasabada 26 june islamarkaana uu goobjoog usoo ahaa munaasabado ku aadana xiligii gobolada waqooyi ay iska xoreyeen gumeystahii ingiriiska ee afrika badankeed gumeystay.
Waxa uu si qota dheer uga hadlay arimaha fantasiyaha kaasi oo ka warbixiya xiligii bari samaadka sida loo muujin jiray munaasabada 26 june iyo sida xiligani loo sameeyo munaasabada 26 june.
Prof.waxa uu sheegay in xiligii hore in wadooyinki magaalada muqdisho si nafdoon loogu dhigi jiray dadka ay isdhexgali jireen wadanka uu dhisnaa wax carqalad ah aanay ka jirin balse hada marka la eego xaalada ay wax badan iska badeleen sida xaalada ay ahaan jirtay oo aanay jirin xiligani qaabkii loo baahna in loo muujiyo fantasiyaha 26 june.
Mudanahaani ka tirsan baarlamanka ayaa waxa uu soo hadal qaaday in ay jiraan dad xaqii ay lahaayen la duudsiiyay oo loo baahna in xus iyo xasuus loo sameyo waloo taasi aanay dhici sida uu hadalka udhigay mr dalxa.
Sikastaba munaasabada 26 june ayaa sanad walba waxaalooga dabaal dagi jiray guud ahaan wadanka xiligii bari samaadka ee ay jireen dowladahii cadaalada ahaa ee soomaaliya soomaray umada soomaaliyeed.
Xafiiska warqabadka warsom.com
Muqdisho,somaliya.