Nin Ganacsada Ah Oo Xalay Si Bareer Ah Loogu dilay Hiiraan.

0
529

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Wararka ka imaanaya degmada baladweyn ee xarunta gobolka hiiran ayaa ku waramaya in xalay fiidkii degmaga baladweyn lagu dilay nin ganacsade ah kaasi oo lagu dilay dhinaca galbeedka.

ganacdaha xalay la dilay ayaa lagu magacaaabayay goobe kaasi oo ka tirsan ganacsatada iibisa xoolaha iyadoona markii uu dilka xalay dhacay ay goobta gaaren ciidamo aad ufarabadan.

taliye xigeenka amaanka magaalada baladweyn ee maamulka gobolka hiiran ayaa waxa uu sheegay in ay sodaan howl gallo lagu doonayo in lagu soo qabto kooxihii ka danbeyay dilka ganacsade Goobe oo lagu dilay galbeedka magaalada baladweyn.

magaalada baladweyn ee xarunta gobolka hiiran oo ay hada ka taliyaan maamul ay dowlada KMG soomaaliya umagacaawday ayaa waxay la tacaalayan sugida amaanka guud ee magaalada oo ay muda kooban gacnta ku haayaan tan iyo markii ay magaalada baladweyn ay kala wareegen maamulkii xarkada alshabaab ee ka talin jiray magaalada baladweyn.

si kastaba ha ahaate ma kal cada waxa ku soo kordhi doono xaalada baaritaano ee ay hada wadaan ciidanka amaanka magaalada baladweyn.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com
Muqdisho,Somaliya.