Raiisalwasaarahii hore ee dowladii TFG da cali maxamed geedi ayaa waxa uu sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu dalka soomaaliya dib ugu soo laaban doono sababo la xiriira doorashooyinka lagu wado in dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho in ay ka dhacan 20 ka bisha agosto ee sanadani 2012.
Cali maxamed geedi oo ka tirsan siyaasiyiinta soomaalida ee utaagan qabashada xilka madaxtanimada dalka soomaaliya ayaa waxa uu sheegay in dad aad ufara badan ay ka dalbadeen in dalka uu dib ugu soo laabto isla markaana uu sida ugu dhaqsiyaha badan uu kaga qeyb galao doorashooyinka dalka soomaaliya .
Cali oo aan wax ka weydiyay sida uu u arko marxalada uu dalka marayo ayaa waxa uu iisheegay in marxalada dalka soomaaliya ay dadka soomaaliyeed gacantooda uu ugu jiro hadba sida wax looga qaban karo.
Siyaasiga cali maxamed geedi ayaa waxa uu ku sugan yahay dalka Kenya waxaana hada uu ku han weyn yahay in uu dalka dib ugu soo laabto si uu uga qeyb galo doorashooyinka madaxweyne nimo ee dalka soomaaliya.
Qabashada xilka madaxtanimada dalka soomaaliya ayaa waxaa isa soo taraya siyaasiyiinta sheegaya in ay utaagan yihiin ka qeyb galka doorashooyinka hagaanka dalka soomaaliya oo hadii ay dhacdo ay noqondoonto mid taarikhi ah oo dhowr iyo labaatan sano ka dib dalka soomaaliya lagu qabto doorasho madaxbanaan oo ay soomaalida dhexdooda ay iska soo dhex doortaan cida ay la dooneyaan hagaanka dalka soomaaliya in uu hanto kuna yimaada doorashooyin madaxbanaan oo xoriyada ku dheehan.
W/Q, Aadan xuseen daauud.
Email.aadan_xuseen_daauud@hotmail.com