Maxkamadii Maraykanka oo Dib U Dhigtay Xukunkii Lagu Ridi Lahaa eedesanayaasha Soomaalideyd.

0
632

WAKAALADDA WARARKA WARSOM.COM

Labadan haween oo lagu kala magacaabo Aamina Faarah Ali iyo Xaawo Hawo Mohamed Hassan ayaa mar kale dib loo dhigay maxkamadeyntooda kadib markii mid kamid ah hawenkaas ay diiday inay u hogaansanto sharciga maxkamadda xukunkeeda qaadaysay.Haweenkaan oo lagu soo eedeeyay ilaaa 20 dambi oo mid kamid ah uu yahay inay lacago taakuleyn ah ay siiyeen ururka AL SHabab oo dowladda Maraykanka u aqoonsatay inuu yahay urur Argagixiso.

Dacwad oogaha maxkamadda Minnesota ayaa sheegay in labadaan haween ay lacago u direen Al Shabab intii u dhaxaysay bishii September 2008 ilaa bishii July 2009.Warku wuxuu intaa ku darayaa in haweenkaan ay dhaqaalaha ay ka aruuriyeen dadka Somalida ee degan dalka Maraykanka iyagoo u sheegayay inay u dirayaan dad ku dhibaataysan gudaha Somalia laakin ay u dirayeen Al Shabab si ay ugu iibsadaan hub ay kula dagalamaan dowladda Somalia iyo ciidamada Amisom ee ku sugan Somalia.

Hay’adda FBI-da ayaa sheegtay in Aamina Faarax Cali ay tiro 12 jeer ah ay lacago u dirtay urur argagixiso halka Xaawo Hawo Mohamed Hassan iyadana la sheegay inay inay labo jeer ay dhaqaale ay ku Taageerayso Al Shabab u dirtay waxaana la sheegaya haddii ay ku cadaado dambigaan ayaa waxaa ay wajihi doonaan ugu yaraan xabsi 30 sanno ah.

Si kastaba intii ay socotay maxkadda ayaa waxaa hareeyay buuq kadib markii mid kamid ah haweenka oo lagu magacaabo Amina Farah Ali ay diiday inay istaagto markii uu Qaaliga maxkadda uu soo galay iyadoo
sheegtay in diinta Islamka ay ka mamnuucayso in qof aadane ah sidaas loo qiimeeyo.

Xafiiska Warqabadka Warsom.com